Mu,asasada Al-Karam oo deeq lacaga gudoonsiisay 30 qoys oo ku sugan Hargeysa (Masawiro)

June 29, 2015 - Written by Editor

3Hargaysa:- Mu,asasada Al-karam ee dacwada iyo horumarinta ayaa shalay jimcihii waxay deeq lacag ah u qaybisay qoysas ka mid ah qoxootiga ku sugan magaalada Hargaysa. Qoysaskaan ayaa tiradoodu dhanayd 30 qoys oo ah Yemaniyiin ka soo barakacay dalka aynu walaalaha nahay ee Yeman oo bilihii ugu danbeeyey ay ka socdeen dagaalo.

Munaasibadii lagu gudoonsiinayey deeqda ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha mu,asasada al-karam Sh.Faysal Muxamed Cumar iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Maxamed Xuseen Cali oo halkaan ka jeediyey kalmado iskugu jira mahad naq ay u mahad naqayaan cidii la soo baxday deeqdaan iyo baaq ay u dirayaan dadka muslimiinta ah in ay u soo naxariistaan walaalohooda ku tabaalaysan dalka gudihiisa gaar ahaan magaalooyinka Berbera & Hargaysa.

Dhanka kale waxa ka soo qayb galay wasiirka dib u dajinta S/land iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo iyaguna dhankooda u mahad celiyey Mu,asasada iyo muxsiniinta ku soo hagaajiyey deeqdan.
Qosaskan oo aad u tabaalaysnaa ayaa waxa la siiyey qoyskiiba 100 $ oo ah lacagta maraykanka .

no images were found

Deeqdan ayaa waxa la soo diray iskaashato soomaaliyeed oo la yidhaahdo Somkaab/Somcap waxanay ku soo hagaajiyeen mu,asasada al-karam.

Ugu danbeyn waxay mu,asasadu ugu baaqaysaa walaalaha muslimiinta ah gaar ahaana umada soomaaliyeed in ay garab istaagaan oo ay ku eegaan il naxariiseed walaalaha soomaaliyeed iyo Yeman taba isugu jira ee ka soo barakacay dalka yeman iyada oo mu,asasaduna diyaar u tahay in ay si xilkas nimo leh u gaadhsiiso ciddii loogu tala galay .

Maktabka iclaanka ee
Mu,asasatu al – karam

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online