Odayaasha iyo waxgaradka Qardho oo dhaliilay Dowladda Federalka.[Masawiro]

June 29, 2015 - Written by Editor

thumbs_img_0470Qardho:-Bulshada ku dhaqan magaalada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar ayaa si cad uga hor yimi Maamulka dhismihiisu uu ka socdo degmada Cadaado ee la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada dhexe gaar ahaan gobollada Mudug iyo Gal-gaduud.

Kulan ay isugu yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kana dhacay Hotel Gufure ayaa dhamaan masuuliyiintii kulanka ka hadashay waxa ay ugu baaqeen Ergada Cadaado inaysan sheegan deegaanada Puntland oo mudo 16 sano ah maamul uu ka jiray dastuurkoodana ay ku qortaan wax ay ku wada noolaan karaan Soomaali oo dhan.

Kulanka ayaa waxa sidoo kale baaq loogu diray dowlada federalka waxaana loogu baaqay dowalada inay fuliso heshiisyadii ay lagashay dowlada Puntland. Kulanka oo ay ka hadleen Maamulka gobolka, kan degmada, Odayaal, haween iyo waxgarad kale ayaa waxa ay dhamaan kawada dhawaajiyeen in Dowlada Federalka ay ku howlan tahay waxyaabo kala gaynaya umada Soomaaliyeed.

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Karkaar ayaa marar badan ku baaqay in laga waantoobo sheega shada la sheeganayo deegaanada Puntland walina ay ku baaqayaan nabad hadii la qaadan waayana wixii dhaca ay masuuliyadeedu qaadayso cida carqalada wada oo nabada diidan.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online