Qaxooti ka soo cararay colaada Yeman oo soo gaaray Boosaaso.[Dhagayso]

June 25, 2015 - Written by Editor

YemanBoosaaso:-Waxaa saaka soo gaaray Dekkadda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari dad Qaxooti ah oo iskugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin ah oo tiradooda ay gaarayso ilaa 273, Guddiga Gurmadka cilimada dadka kaso qaxay Yeman iyo masuuliyiiinta Dawlada Puntland ayaa Qaxootiga soo dhoweeyay markii ay soo gaareen Dekkada Bosaso,iyagoo dadka u qaaday Xerada qaxootiga ee Dawlada Puntland ay ugu tala gashay qaxootiga ka imanaya dalka Yeman walow dad gaaray 23 qof ku dhawaad loo qaaday xarumaha caafimaadka si loo daweeyo oo caafimaadkooda loola tacaalo.

Dadkaan maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo qaaday doon lagu magacaabo Suldaano waxaan ay soo qaaday tiro dad ah oo ka yar kuwa ka imaan jiray dalka Yeman maadaam ay baddu kacsan tahay Dowladda Puntland ay doonyaha ku wargelisay in inta ay badda kacsan tahay laga taxadaro in dad xaddhaaf ah lagu soo qaado Doonyaha ka imaanay dekadda Mukala ee dalka Yeman .

Agaasimaha Xerada Qaxootiga Yeman Burhaan Huruuse oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa ka warbixiyey xaalada Qaxootiga soo gaaray Boosaaso iyo tradood iyo weliba gurmadka joogtada ah ee dadka reer Boosaaso iyo dowladda Puntland u fidiyen walaalahood ka soo cararaya calooda a jrta dalka Yeman.

Hoos ka Dhagayso Agaasimaha Xerada Qaxootiga Yeman Burhaan Huruuse

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/9d7jumkos4/Agaasime.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online