Qaxootiga Yemeniyiinta ah oo la soo gaarsiiyey Deeq gargaar ah.[Masawiro]

June 23, 2015 - Written by Editor

20150622_112146Qardho:-Deeqdan oo isug jirtay Raashiinka Noocyadiisa kala duwan sida bur, sonkor, bariis iyo timir kana timi dowlada Kuwayd ayaa waxaa Qaxootiga iyo qoysaska tabaalaysan ee ku dhaqan magaalada Qardho soo gaarisiiyay Hay’adaha kala ah Hay’ada khayriga Islaamiga ee Caalamiga ah iyo Hay’ada Al-Raxma al-caalamayiyah.

Masuuliyiinta ka soctay labada Hay’adood ee Dalka Kuwayd ayaa waxaa safarkooda ku wehliyay Safiirka Dowlada Yaman u fadhiya Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani iyo Madaxda Hay’ada Tadaamu oo Qayb ka ahayd Bixinta Raashiinkan.

Qaybinta iyo Bixinta Raashiinka ayaa waxaa ugu horayn lagu bilaabay halka ay deganyihiin Qoxootiga Yamaniyiinta waxaana Raashiika lagudoonsiiyay ku dhowaad 200 oo qof oo qoxooti Yamaniyiin ah.
Goobtii raashiinkan lagu qaybinayay ayaa waxaa goob joog ahaa Masuuliyiinta Gobolka Karkaar iyo Kan Degmada Qardho , waxayna Dowlada Kuwayd iyo Hay’ada Tadaamun uga mahad celiyeen sida ay ugu soo gurmadeen walaalhood soo qaxay ayadoo lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Safiirka Dowlada Yaman ee Somaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani ayaa sidoo kale goobta kula hadlay saxaafada una mahadceliyay Dowlada Kuwayd iyo Hay’adaha ka socda Dowlada Kuwayd.

Masuuliyiinta Labada Hay’adood ee dalka Kuwayd iyo Masuuliyiinta Hayada Tadaamun ayaa sidoo kale goobta ka hadlay sheegayna in Qardho ay u yimaadeen sidii ay walaalahooda tabaalaysan u soo gaarsiin lahaayeen Raashiinkan oo ah Mid isticmaalaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa ay sidoo kale sheegeen in Qoysaska Yamaniyiinta loogu dari doono Raashiinka lacag $ 100 (Boqol Doolar).

Cabdiqaadir Yaasiin Maxamed oo ah Madaxa Goobta ladajiyay qaxootiga Yamaniyiinta ayaa dhankiisa ka mahadceliyay Gurmadka lasoo gaarsiiyay Xarunta Qoxootiga Yamaniyiinta ee Qardho. Ku dhowaad 1000 Qoys oo soomaali tabaalaysan ah ayaa sidoo kale lagaarsiiyay deeqdan raashiinka ah ee ka timi dowlada Kuwayd, deeqdann ayaana ah mid loogu talagalay qoysaska tabaalaysan inay ka dhigtaan afurka Bisha Ramadaan.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online