Qaxootigii Yemaniyiinta oo Qardho si weyn loogu soo dhoweeyay.[Masawiro]
June 8, 2015 - Written by EditorQardho:-Qaxootigan oo ka koobnaa ku dhowaad ilaa 10 gaari oo siday 200 oo qof oo u dhashey dalka Yemen kana soo ambabaxay Magaalada Boosaaso ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho ayadoo soo dhowayn tiisa ay ka qayb qaateen odayaasha waxgaradka iyo masuuliyint degmada Qardho wasiirka wasaarada arimaha gudaha Puntaland oo Garowe uga yimi soo dhowaynta Qoxootigan iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Qoxootigan ayaa magaalada laga dejiyey dhisme weyn oo loo gogley kaas oo leh dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin, sidda Biyo, Koronto, Musqulo iyo Jikooyinkii ay cunooyinka ku karsan lahaayeen, waxaana qolalka loo dhigey gogashii iyo hu’gii ay u baahnaayeen.
Ku xigeenka Duqa degmada Qardho ahna Kusimaha Duqa Burhaan Xaaji C.raxmaan oo saxaafada kula hadlay gudaha dhismaha ladajiyay Qoxootiga ayaa sheegay in maanta nasiib wanaag aysoo gaaraan Magaalada Qardho 200 oo walaalaheena Yaman oo dowladooda horay ugu astaysay in ladajiyo Magaalada Qardho wuxuu kaloo gudoomiyuhu sheegay inay aad usoo dhowaynayaan walaalahooda reer Yaman si wayna ay ula qaybsanayaan wax walba.
Sheekh. Axmed Yuusuf Daad oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka Qoxootiga kasoo barakacay Yeman ee Puntaland oo sidoo kale ahaa masuuliyiintii lasocotay qoxootiga ayaa sheegay inay soo gaareen halkii Maamulka Puntland uu asteeyay in la dajiyo qoxootiga ee magaalada Qardho wuxuu kaloo sheegay inay lasocdaan dad tiradooda ay gaarayso 200 oo qof oo yamaniyiiin walina lasoo wado kuwa kale.
Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowladda Puntland oo saxaafada dhan kiisa la hadlay ayaa aad ugu mahadceliyay shacabka reer qardho iyo guud ahaan shacabka reer puntland sida ay uga qaybqaateen soo dhowaynta walaalahooda Yaman wuxuu kaloo xusay dadka reer Yeman ay abaal wayn ku leeyihiin walaalhooda Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee Bulshada ardho oo aan u kala harin ayaa muujiyey martisoow iyo soo dhaweyntii Islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalidu caanka ku ahayd.
no images were found
Halgan.net