Ra’iisul wasaare ku xigeenka DFS oo maanta kulan la qaatay Saxaafadda Madaxa Banaan

June 23, 2015 - Written by Editor

IMG_7959-777x437Muqdisho:-Guddiga heer qaran ee loo xirsaaray qabanqaabada xuska maal maha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da luuliyo, ayaa maanta kula kulmay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warbaahinta madaxa banaan iyo tan dowladda, waxana ay ka wada hadleen sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa dabaal daga maalmahan xoriyadda.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayi Maareeye, oo ah gudoomiyaha gudiga farsamada Xafladda kulanka ka hadlay ayaa sheegay in warbaahinta qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in door muuqda ka ciyaaraan xuska maalmaha xoriyadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed maskaxdooda laga dhaadhicyo qiimaha ay leedahay xoriyadda.

“Maalmaha Xoriyadda waxay bulshada Soomaaliyeed uga duwan yihiin, waa maalmihii ay ka xoroobeen gumaystaha, waxaa laga doonayaa saxaafaddu in ay door muuqda ku yeelato baraarujinta shacabka iyo barista qiimaha xoriyaddu ay leedahay” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ah Gudoomiyaha Gudigga heer Qaran ee qaban qaabada xuska 26, June iyo 1 Luuliyo ayaa u sheegay madaxda warbaahinta in laga doonayo door muuqda in ay ka qaataan horumarinta dalkooda. Wuxuuna sidoo kale ku dhiirigeliyay warbaahinta waddaniga ah iney kaalin wax ku ool ah ka qaataan wacyigelinta bulshada, nabadda iyo hirgelinta nidaamka dowlanimo.

“Waxaa fooda nagu soo haya maalmihii xoriyadda dalkeena, kuwaas oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed, waxaan ka doonaynaa warbaahinta madaxda banaan iyo tan dowladda inay door ku yeeshaan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa muhiimadda xoriyaddu leedahay”ayuu yiri R.Wasaare ku xigeenka dalka.

Guddigan heerka qaran ee uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska munaasabadaha maalmaha xorriyadda Soomaaliya, ayaa shaqadiisu tahay in uu qaban qaabiyo xuska, xiriiriyo hay’adaha ku hawlan xuska maalmaha qaran iyo in ay ka hawl-galaan sugidda amniga iyo habsami-u-socodka munaasabadaha xorriyadda.

—-DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online