Ridwaan Xaaji Cabdiweli: “Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

June 22, 2015 - Written by Editor

ridwanaMuqdisho:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/06/2015, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan iska casilay xilkii aan u hayey Qaranka Soomaaliyeed labadii sano ee la soo dhaafay ee ahaa Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo la-taliyaha Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha, anigoo warqaddii istiqaalada u gudbi yey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Runtii, sharaf weyn ayey ii ahayd inaan mudadaasi u soo shaqeeyo dalkayga, xilligan oo dalku marayo duruufo adag oo aan rajaynayo in qaranku ka gudbi doono.

Sababta xilkan aan uga tegay waa mid aniga ii gaar ah. Laakiin, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynayaa inaan mar walba u taagnaan doono ka shaqaynta dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo u-adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mudadii aan sida dhow ula shaqaynayey Xukuumadihii kala duwanaa ee ay Ra’iisul Wasaarayaasha ka ahaayeen Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa jiray horumaro la taaban karo oo loo qaaday dhinaca wanaagsan. Dhinacyada uu dalku horumarka ka sameeyey waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inkastoo aan sheegay horumaradaasi, waxaa hadana jira caqabado wiiqaya taabbagalka guulahaasi la xaqiijiyey, haddii aanay hoggaanka dalka iyo shacabkuba iska kaashan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed, ilaalinta xasiloonida siyaasadda, dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta, adkaynta caddaaladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dawladda iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada iyo weliba abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxay ku socotaa jidka horumarka, dimuquraadiyadda iyo dib-u-dhiska, laakiin si loo xaqiijiyo hiigsiga siyaasadeed iyo himlooyinka shacabka Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay in madaxdu ay ka dhababeeyaan go’aanka dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah si awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, oo iyagu ay soo doortaan cidda hoggaaminaysa ama wakiilka uga noqoneysa siyaasadda dalka. Doorashooyin xor ah oo la gaaro iyo talada oo ay shacabku yeeshaan, waxay horseedaysaa in la helo madax karti leh iyo in laga gudbo nidaamka qabyaaladeed ee dalka ka jira oo aanu arko mid fashilmay oo aan u adeegayn dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo masaalixda ummaddeena.

Intaa markaan ka gudbo, waxaan doonayaa inaan halkan si qalbi furan ugu mahadceliyo madaxdii, hawlwadeendii iyo bahda warbaahinta oo dhammaantood xiriir iyo wada shaqayn wanaagsan na dhex maray mudadii aan xafiiska joogay. Waxaa kaloo aan u mahadcelinayaa qoyskayga iyo saaxiibo badan oo igu dhiirigaliyay in aan qabto shaqadan oo dad badani ay khatar inteeda le’eg ay u arkayeen.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Email:ridwaanhaji@gmail.com
Twitter:@Ridwaanhaji

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online