Tartankii Qur’aanka Kariimka ee Sanadlaha ahaa oo ka bilowday magaalada Laascaanood‏[Masawiro]

June 28, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Galabta oo ay ahay 10 ka Bisha Ramdaan waxaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka bilowday tartanka Qur’aanka ee Ramadaan oo dhici Jirey sanad walba. Xaflada Tartan ka ayaa waxaa ka soo qayb galay ilaa 134 Arday kana kala socda 14 Dugsi Qur’aan iyadoo 79 wiilal yihiin , 55 gabdho yihiin .waxey u kala tartamayaan 30 ,Juz, 20 , Juz, 10 , Juz iyo 5 Ta Juz ee Qur’aan ku ka kooban yahay.

xaflada furitaanka tartanka ayaa waxaa lagu qabtey Masjid Al-huda ee magaalada Laasanood waxaan tartanku uu maalmaha soo socda si toosa uga kala socon doona labada masaajid ee Al-huda iyo Khadiija oo gabdhaha ah .Tartankaan Quraanka ayaa waxaa soo qaban Qaabisey Hay’adda Qur’aanka ee Jamcitu Al-nuur .

dhinac kale waxaa Tartan aqoonedkan maalgaliyey shirkadaha kala ah Telesom , Golis , Shirkada korontada ee LESCO , Xarunta daawaynta ee Mubaarak Pharmacy iyo Shirkada daawada Shaaafici. Tartanka Quraanka ayaa sanadkaan ah mid ka duwan tartan aqooneedyadii sanadadii hore la qaban jiray wuxuuna leeyahay xiiso aad u weyn.

no images were found

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online