W. Xanaanad Xoolaha oo maanta daahfurtay Mashruuca la dagaalanka gubista dhuxusha (Masawiro)

June 14, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Wasaarada Xanaadanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa maanta daahfurtay mashruuca ka hortaga xaalufka dhirta, waxaana  ka soo qayb galay Wasiirka Kaluumaysiga mudane Maxamed Cumar Caymooy, Wasiir ku xigeenka Batroolka mudane Maxamed Axmed Kulan, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha mudane Cabdinaasir Gaarane, Wasiirka Deegaanka Koonfur Galbeed mudane Macalin Jiis, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga Galmudug mudane Maxamed Aden Qalab Xoor, Agaasimaha Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland mudane Cabdirisaq Maxamed Cali, Wasaarada Biyaha iyo Tamarta, Wasaarada Qorshaynta Qaranka, Wasaarada Amniga iyo Hay’adaha Mopic, UNDP, UNEP, FAO

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa mudane Siciid Xuseen Ciid oo wasaaradiisu ay soo qaban qaabisay daahfurka mashruucaan oo shirka furay ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ay ku hayso xaalufinta dhirta xoolaha iyoosuuq gayntooda.

“Barnaamijkaan nuxur kiisu waa joojinta dhirta, waxaa meelaha qaarkood lagu qiyaasay malaayin geed in la jaray, mana jirto dhir la beero oo badasha geedahaas la jaray, waxaad ogtihiin qiimaha xoolaheenu ay ku leeyihiin aduunka waa daaqa dhirta dabiiciga ah, halka xoolaha kale aduunka ay cunaan calaf iyo dawooyin la siiyo, hadii dhirta la xaalufiyo ma suurta galayso in xooluhu ay helaan daaq ku filan, aduunka xoolaha la dhoofinayo waxaa lagu qiimeeyaa culayskooda, Lo’da marka la dhoofinayo  waxaa laga rabaa 300 kg, Arriga 30kg, xoolaheena dhibka haysta waxaaa dhacda marar badan in miisaankooda uusan  buuxin si meel kasta loogu dhoofiyo, mashruucaan wuxuu ka dhaxeeya Wasaarda aan kor ku xusanay, iyo maamulada dalka ka jira, waana lagama maarmaan in qolo walba ay kaalinteeda qaadato,  waxaa nasiib wanaag ah in shirkaan ku soo beegmay iyadoo suuqii ugu weynaa ee dalka Sacuudiga oo loo iib gayn jiray dhuxusha ay si rasmi ah u sheegatay inay san aqbalayn in la keeno wax dhuxul ah dalkooda” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Sidoo kale shirkaan oo ay ka soo qayb galeen wakiilo kala socday maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa dareenkooda ka muujiyey dhibaatooyinka xaalufinta ee ka jira deegaanada ay maamulanaa ayaa sheegay in si wada jir ah laysaga kaashado sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta, loona samayn lahaa wacyi galinta bulshada.

Dhanka kale, khubarada ka qayb galaysay daahfurka mashruucaan ayaa sheegay in  Dhibaatooyina dadku ay u jarayaan geedaha ay ka mid ah tahay dadka oo aan haysan fursado shaqo, waxaa kale oo ay sheegeen in ay  sabab u ah joojintii la joojiyey dhoofinta xoolaha, hay’daha amniga oo aan xooganayn kuwaas oo la rabay iney ka hortaan.

Ugu danbayntii Wasaaradda X. Xoolaha iyo maamulada gobolada ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in la dhiso Hay’adihii ka shaqayn lahaa iskana kashaan lahaa joojinta xaalufinta dhirta, layslana qaato mooqif midaysan ee oo ay iska kaashaanyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulad Gobolada, waxaana gabagabadii kulanka la soo jeediyey qodobadaan soo socda:

no images were found

In la dajiyo siyaasad  iyo sharci laga dhaqan galiyo dhamaan dalka oo dhan.

in la dhaqan galiyo qaraarkii  goloaha Amaanka oo lagu joojinayey dhoointa dhuxusha Soomaaliya oo No: 2036 soona baxay sanadii 2012.

In aqoon kororsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda iyo bulshada inteeda kale si meel loga soo wada jeesto ka hortaga xaalufinta dhirta,
Dadka jilicsan ayaa ku lugta leh ka ganacsiga dhuxusha, waana in dadkaas loo abuuro shaqooyin. In la helo waxyaalo kale oo looga maarmo adeegsiga dhuxusha oo ay dadku wax ku karsankaraan.

In wada shaqayn la helo ka dhaxaysa dowlada federaalka iyo maamulada gobolada iyo wadamada dariska ah.

Dhulkii la xaalufiyey in dib dhir loogu talaalo.

—–Dhamaaad —-

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online