Wakiilka Thuluth Al-kheirih Eng.Faysal Axmed ugu deeqay dadka ka yimid Yeman.[Masawiro]

June 11, 2015 - Written by Editor

Boosaaso:-Mu’asadda Al-Minhaaj ayaa maanta deeq Raashin ah ku wareeji yay Guddiga Gurmadka dadka kaso qaxay dalka Yaman,waxaana deeqdu ay ka timid Hay’adda THULUTH ABDULAZIZ  Al-Mar zouq AL-KHEIRIH oo uu Wakiil ka ahaa Eng.Faysal Axmed Yuusuf Xawar.

Deeqda ayaa ka koobnayd Sonkor,Bur,Bariis,Timir iyo Saliid,waxayna qayb ka tahay deeqaha ka imaanaya walaalaha EEBE wax siiyay ee Sadaqada la baxaya. Wakiilka Hay’ada THULUTH ABDULAZIZ  Al-Marzouq AL-KHEIRIH Eng. Faysal Axmed Yuusuf Xawar ayaa sheegay inay deeqdan walaalahood soo qaxay ay kula qaybsanayaan Duruufaha haysta.

‘’Waxaan maanta halkan ku Wareejinaynaa Qadar Raashin ah oo uu la baxay nin Khayr qabe ah oo la yiraahdo Naasir Cabdicasiis ahna ninka Maamulka Hay’ada THULUTH ABDULAZIZ  Al-Marzouq AL-KHEIRIH,markii hore dad deegaanka ah oo tabaalaysan ayaa loogu talagalay,hasa yeeshe haddii duruufahan ay soo kordheen waxay noqotay innaan la wadaagno dadka kasoo qaxay yaman’’Ayuu yiri Faysal Xawar.

Guddoomiyaha Mu’asasada Minhaaj Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in Raashinku uu wax badan ka qabanayo baahiyaha jiray.

 ‘’Mu’asasada ku deeqday Raashinka iyo Injineer Faysal Xawar waxaan leeyahay waxaan leeyahay ILLAAHAY ha idin ka abaal mariyo iyo dadaalka aad u gasheen arrintan iyada ah’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj.

Wuxuu intaas ku daray‘’…Raashinkan wax badan ayuu u qabanayaa dadka kuso waxyeeloobay dagaalka Yaman,waxaan mar walba leenahay Culayska waa sii waynaanayaa’’.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka  dadka kaso  qaxay Yeman Sh.Axmed Yuusuf Daad ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku daydaan Injineer faysal Xawar. Faysal Xawar waa ninkii kowaad ee Soomaali ah oo dareenkiisu soo ka xeeyay,isagoo wax wada ma aha maalintii kowaad,wuxuu qabtay shaqo badan oo aan dalka laga qaban,waxaan Eeb uga bayaynaa inuu barakeeyo Cilmigiisa, Caruurtiisa, Caafimaadkiisa iyo Caqligiisa’’Ayuu yiri

Sheekh.Axmed Yuusuf oo intaas ku daray‘’Shacabka Puntland Faysal haku daydaan,dadka Ilaahay dhaqaalaha siiyya waxaan leeyahay sidan u imaada.

no images were found

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Boosaaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online