Wasaaradda Gaashaandhiga ee DFS oo ka hadashay weerarkii Leego

June 27, 2015 - Written by Editor

General-DiiniXukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarka xilliga aroornimo ay ku qaaday kooxda argagaxisada Al shabaab saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose .

Waxa aanu ammaan iyo bogaadin u jeedineynaa dhiiranaanta , waajib gudashada iyo nafhurnimada Ciidamada Midowga Afrika , oo markale ka suura-geliyay Soomaaliya nafhurnimadooda iyo dadaalkooda guulo horumar leh .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska , saaxiibada iyo dadka jecel ciidamadaasi geesiyaasha ah , kuwaasi oo naftooda u huray ilaalinta dadkeena rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo xoojinta hey’adaha , sidoo kale dhowrista horumarkeena .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marna kama gaabin doonto inay guulo ka gaarto yididiiladeeda nabadda , horumarka iyo barwaaqada guud ahaan shacabkeeda iyo gobolka ,iyadoo falal fuleynimo ay sameynaan kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan diinteena islaamka ee quruxda badan.

Iyadoo lagu gudajiro dadaalada geesinimo ee si mideysan uga socda Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , ayaa waxaa xaqiijin doonaa in nafhurnimada maanta ee wiilasha iyo gabdhaha walaalaheena aan wax ka soo qaad micno laheyn noqon doonin marnaba .

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM waxa ay sii wadi doonaan howlgalada wadaagga ah , illaa iyo inta laga xoreynayo Al shabaab taako waliba oo ka mid ah Soomaaliya , shacabkeenana uu noqdo mid xor ah , si uu u gaaro yididiiladiisa nabadda iyo Xoriyadda .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online