Wasiiirka Maaliyada DFS oo ka qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Bangiga Horumarinta Islaamka

June 13, 2015 - Written by Editor

5Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa magaalada Maputo ee dalka Mozembiqeu uga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa Bangiga Horumarinta Islaamka, kaas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 56 wadan oo xubnaha ka ah iyo Hay’adda uu leeyahay maal qabeenka u dhashay Maraykanka Bill Gate.

Wasiirka ayaa shirka ka jeediyey Khudbad dheer oo uga hadlayo horumarka ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga sameeyeen horumarka dhanka Dhaqaalaha, Siyaasada, Arrimaha Bulshada iyo Dib u dhiska dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Bangiga Horumarint Islaamka uu Soomaaliya ka caawiyo qaybo ay ka mid yihiin Caafimadka iyo Waxbarashada, shirkaana lagu go’aamiyey lacag gaarysa 500 milyan oo dollar oo loogu deeqay wadamada xubnaha ka ah Bangiga.

“Bangiga Horumarinta Islaamka oo xaruntiisu tahay magaalada Makah ee dalka Sacuudi Carabiya iyo Hay’ada Samafalka ee Gate Foundation ayaa isku raacay in la bixiyo lacag gaaraysa 500 Milyan oo dollar oo lagula dagaalamayo Fakhriga iyo Cudurada wadamada xubnaha ka ah Bangiga Horumarinta Islaamka, Sanduuqaan oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Bangiga iyo Hay’ada Bill Gate Foundation ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto saboolnimada iyo cudurada, laguna abuuro barnaamijyo lagu taageerayo Caafimaadka, Beeraha iyo  kor u qaadida nolosha dadka reer miyiga ah” ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Sidoo kale, Madaxweynaha Bangiga Horumarint Islaamka oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Soomaalya ayaa soo dhaweeyay hormarka ay sameesay Somalia balan qadayna in uu garab istaagi doono umadda Somaliyeed sidii ay uga caawin lahaayeen dhanka Horumarka beeraha iyo kor u qaadida heerka waxbarasho ee dalka, iyo sidii gacan muuqata uga gaysan lahaayeen qaxootiga ka soo qaxaya Yemen ee soo gaaraya dalka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka qayb galay 40 sano guuradii ka soo wareegatay markii dalka Muzambiq uu xoriyada ka qaatay gumaystihii boortaqiiska ayaa mar uu ka qayb galay xaflada ka sheegay in dalka Soomaaliya uu gacan weyn ka qaatay sidii Mozambiqeu u heli lahayd xoriyadeeda.

no images were found

“Soomaaliya waxay door muuqda ka qaadatay halgankii gobonimo doonka dalka Mozembique, waxaana tusaale u ah in wadoodoyinka muhiimka ah ee caasimada ay ugu magacdareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Bare”ayuu yiri Wasiir Farkeeti

———Dhamaaad ——-

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online