Wasiir Odowaa “Qabsashada Dhuusa-marreeb waa mid lagu hagar-daameynayo dhismaha maamulka gobollada dhexe”

June 7, 2015 - Written by Editor

odowaaMuqdisho:-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay dagaalladii maanta ka dhacay magaaladda Dhuusa-marreeb ee xaruta gobolka Galgaduud.

Wasiirka  ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado  weerarkii maanta ay kooxda nabad diidka ahi  kula wareegeen  magaaladda Dhuuso-Mareeb isaga oo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusamarreeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhisamaha maamulka gobollada dhexe isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan  shacabka gobollada dhexe.

“ Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ay u qaadi doontaa ka hortaga koodxa nabad diidka ah ee inta isa soo abaabulay weeraray magaalo xasilooni ka jirtay kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa tacsi u diray eheladda dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta , wuxuuna allaah uga baryey inuu si deg deg ah u bogsiiyo dadka ku dhaawacmay.

         Dhammaad

-Dr Ismail Jumale

Permanent Secretary

Ministry of Interior & Federal Affairs

Federal Government of Somalia

E-mail: jimale101@hotmail.com
Somalia Tel: +252 616 322 726

 

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online