Wasiirada cusub ee Amniga , Maaliyadda iy Xanaanada xoolah oo xilka la wareegay

June 21, 2015 - Written by Editor

IMG_7807Garoowe:-Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu xilka kala wareegay wasiirka hore ee amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Aloore.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa waxaa uu uga mahad celiyey sidda hufan ee wasiirka hore ee amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Aloore xilka ugu wareejiyey isagoo dhanka kale ugu baaqay bulshada reer Puntland dhamaantood in ay si wada jir ah ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago kuwa doonaya in ay wax u dhimaan amniga guud ee Puntland.

Sidaas oo kale wasiirka Maaliyada cusub ee dowladda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed ayaa waxaa uu xilka kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Shire Xaaji Faarax isagoo xusay in wasiirii hore uu shaqo wanaagsan uu ka qabtay wasaaradda Maaliyadda.

Hoos ka Daawo Wasiirka Maaliyadda cusub ee DPL oo la wareegay xilka

Waxaa kale oo Wasiirka cusub ee wasraadda beeraha iyo waraabka Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade) uu isagana xilka waxaa uu ku wareejiyey wasiirka Cusub ee Xannaanada Xoolaha Cabdijamaal Cismaan.

Hoos ka Daawo Wasiirka Xanaanada Xoolaha DPL oo la wareegay xilka

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online