Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo dalka dib ugu soo laabtay (Masawiro)

June 21, 2015 - Written by Editor

IMG_4570Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga DFS Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Mareykanka, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdallah Xuseen Cali iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga. Waxana uu Wasiirku ka warbixiyay safarkii uu ku gaaray dalka Mareykanka iyo waxyaabihii usoo qabsoomay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen dalka Mareykanka isaga iyo wafdigii uu Hoggaaminayay R/Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, ay kala xaajoodeen madaxda sare ee dalkaas Mareykanka arrimo muhiim oo kamid yihiin dib u dhiska Ciidamadda.

“Dowlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay balan qaadeen dib u dhiska ciidamadda Soomaaliya in ay door ka qaadan doonaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo wasaaradda ka caawin doonta sameynta aqoonsiga iyo ururinta macluumaadka la xiriira ee ciidanka iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha ciidamadda, waxana ay balan qaadeen si-deg deg ah in ay uga howl gali doonaan arrimahaas.

—DHAMMAAD—

Wixii faah faahin ah la xiriir
E-mail: gaashaandhigga@gmail.com
Twitter: @MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online