Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamadda X.D.S oo ka Tacsiyeynaya Geeridii ku timid Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “Masalle”

June 26, 2015 - Written by Editor

Gen. DiiniMuqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliska Ciidamadda X.D.S, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle, oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto, sidoo kale horumarka iyo nabada Soomaaliya horey uga soo qayb qaatay, muddo dheerna kusoo jiray dowlad dhisidda Soomaaliya.

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, maanta ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle. ayuu yiri Gen. Diini oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray dhammaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.

“ Marxuumku wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarkii aas-aaska u dhigay qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu usoo adeeggay dalkan muddo dheer, taarriikh ayuuna ku lahaa ummadiisuna waa qadarin jirtay, waxaan ku tilmaami karaa muwaadin ku shaqeeyay intii uu xilalka kala duwan hayay caddaalad iyo la dhaqanka bulsho kuna sharfanaa meel kasta oo uu wax kasoo noqday” ayuu raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga.

Samir iyo Iimaan Ilaahay ha innaga wada siiyo marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masale oo taariikh fac weyn ku lahaa aadna looga wada qaderin jirey deegaannada Soomaalida oo idil. Naxariistii Janno Eebbaheen isagana ha ka waraabiyo. Aamiin…. Aamiin

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online