Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha Ciidamadda X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga dalka.[Masawiro]

June 22, 2015 - Written by Editor

1 copyMuqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta wasaaradda, saraakiisha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta amniga dalka.

 Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Daahir Aaden Cilmi ayaa Wasiirka warbixin ka siiyey xaaladda amni ee dalka iyo howlgallada kala duwan ee ciidamadda xoogga dalku ay ka wadaan gobollada, isagoo xusay in guulo muhiim ah laga gaaray howlgalladii ugu danbeyey, hadana ay soconayaan qorshayal lagu sugayo goobaha laga wareego Al-shabaab.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh. Cali Diini, ayaa xusay in kulanka uu muhiim u yahay xaqiijinta ammaanka guud ee dalka, isla markaana la doonayo in la dar-dar geliyo howlaha socda si cadowgu u helin fursad ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee sooman.

Wasiirka ayaa daboolka ka roggay in  kulanka lagu xaqiijinayo howlaha mudnaanta leh si loga guuleysto kooxaha nabadda diidan.

 “Maanta waxaan halkan isugu nimid si aan isugu sheegno waajibaadka na saaran, waxaa lagu jiraa waqti xasaasi ah oo loo baahan yahay in la muujiyo feejignaan dheeraad ah, si looga guuleysto cadowga”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo xusay wasaaradda Gaashaandhigga in ay ka go’an tahay ciidamaddu in ay helaan xuquuqda ka maqan, si meesha looga saaro baahida kala duwan ee ciidamaddu qabaan.

no images were found

 Ahmed Mohamed

Ministry Of defense

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online