Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland oo xilka la wareegay
June 21, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland Cali Axmed Faatax.
Munaasabada xilka ay kula kala wareegeen xilalka ayaa waxaa ka hadlay Cali Axmed Faatax wuxuuna sheegay in ay wax badan qabteen .
Dhanka kale waxaaa goobta ka hadlay isana Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax wuxuuna u mahad celiyey wasiirka hote ee xilka ku wareejiyey wuxuuna ka codsaday shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland in ay la shaqeeyaan .
Hoos ka Daawo Munaasabada xilka uu kula wareegay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax
M_M Deeq
Halgan.net