Wasiirkii hore ee waxbarshada PL Dr.Cali Xaaji oo soo dhaweeyey golaha wasiirada cusub ee Puntland.[Dhagayso]
June 16, 2015 - Written by EditorLondon:-Wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa waxaa uu sheegay in uu aqbalay xilka laga qaaday isagoo mahad balaadhan u jeediyey Madaxweynaha dowaladda Puntaldn Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas isagoona soo dhaweeyey golaha wasiiradda cusub.
Wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa waxaa isagoo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London waxaa uu uga mahad celiyey sidda balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen.
Wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa ku celiyey in Soomaaliya uu ka dhacay dagaal sokeeye sidaas darteedna loo baahan yahay in la hirgeliyo nidaamka federaalka ah ee Soomaali ay ku hishiisay si loo kala nabad galo.
Wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in nidaamkii Soomaalidu ay ku heshisay ee Federaalka ah in la dhinac maro kuwa waxaas ka shaqaynaya aysan hayn wax kale oo umada iyo dalka lagu hogaamiyo
Hoos ka dhagayso Dr Cali Xaaji oo Hambalyo u diray wasiiradda cusub ee dowladda Puntland
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/wrady7pa5s/calxaaji.mp3]Khudbadii Wasiirkii hore ee waxbarshada dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa iyadoo dhamaystiran insha allaahu
Halgan.net