Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga .

June 14, 2015 - Written by Editor

3Rome :- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali oo soo gaba-gabeeyay booqashadiisa shaqo ee uu ku joogay dalka Talyaaniga , ayaa kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga H.E. Lapo Pistelli , oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Rome, kuna dhammaaday jawi guul oo isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  uga wakiil ah dalka Talyaaniga H.E. Amb , Maj.Gen. Muuse Hassan Abdulle  iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda .

no images were found

Wasiiru dowlaha , oo booqday dhammaan dhismayaasha iyo hantida qaranka uu ku leeyahay dalka Talyaaniga oo u baahan dayactir iyo dib u dhis oo ay ku jirto dhismaha  Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Rome , ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , ayna muujiyaan isku-duubni , una gutaan waajibaadka saaran si qaranimo ah oo hufan.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online