Xaflad arday dhameysay Qu,aanka oo lagu qabtay Masjidka Al-Taqwa Aarus (Masawiro)

June 7, 2015 - Written by Editor

18Aarhus:-Waxaa maanta oo ahayd maalin axad ah kuna beegnayd 7/6 uu Markizka attaqwaa oo ku yaal magaalada Aarhus oo ah caasumada 2aad ee Danmark uu qabtay xaflad qalinjabinta quraanka kariimka laguna maamuusay 16 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana farxad iyo qiimi u ah Markizka attaqwa inuu xafladii 7aad oo qalinjabinta quraanka kariimka ah uu qabtay,sanadba sanadka ka danbeeyana uu rajo wayn ka qabo inuu juhdiga/dadaalku inuu intaas ka bato.

Magacyada ardayda dhameysay quraanka kariimka

  1. Yaxye A/raxmaan

2.A/laahi Cumar Ahmed-Nuur.

3.Yaasir Ali Muxamed

4.Cigaal jamaal Cigaal

5.A/kariim Ibraahim Sh.Ahmed

6.Maxamed Siciid muumin

7.Zakariye Maxamed Ali

8.Dahabo Xirsi Khaarshe

9.Xana Mahad A/laahi

10.Najmo Bare Fiidow

11.Sundus faarax Ali Biixi

12.Sumayo faarax Ali Biixi

13.Khadra A/raxmaan Xassan

14.Hodan Maxamed Bashiir

15.Xamdi Mustafe A/laahi

16.Nasriin ibraahim Salaad.

Waxaa xafladaan kasoo qaybgalay culimo iyo wax garad kale oo ka kala yimid wadanka Danmark iyo wadamo ka baxsan,culimada kasoo qaybgashay kuna yeelatay xaflada kalimado wax ku ool ah ka mid ahaa.

  • Sh Abdirahmaan Abyad oo ah Sheekha Danmark
  • Sh Xaamud ibraahim oo Swedan ka yimid
  • Sh Maxamed Weheliye oo ka mid culimada Danmark
  • Sh Abdalla (Abu-billal) oo ah iimamka iyo Khadibka Markizka Salam
  • Sh Abu-khalid oo isna kamid ah khadiibyada Markizka Salam

Waxaa xaflada furay gudoomiyaha Markizka Attaqwaa A/raxmaan Muxamed Cumar, wuxuu u mahadceliyay kasoo qaybgalayaashii xaflada, wuxuu sharaxay waxqabadka Markizku bulshada uhayo, wuxuu ku booriyay waalidka inay ilmahooda isgarabtaagaan dhanka waxbarashada dhaqaalahana loo huro intii guri soomaliya laga dhisayo iyo ayuuto meeshay ku dhamaanayso la,aqoon loo isticmaalilahaa, iyagaa mustaqbalkooda dhamaystirandoona hadii waxbarashada lagula dadaalo.

Hadaladii culimada kasoo qaybgashay xaflada. waxay culimadu ka hadleen kalimado ay ka mid ahaayeen.

Fadliga barashada quraanka.

Dhiirigalinta ardayda dhamayeeyay quraanka.

Dardaaran ku wajahan dhalinta qurbaha ku nool inay ku dadaalaan barshada kitaabka ilaahay.

Ku boorinta waalidka inay ubadkooda kula dadaalaa gooba lagu barto quraanka,barshada tarbitada islaamka iyo waxbarashada culuumta kale

Amaan iyo duco ay u soo jeediyeen ducaada iyo masuuliyiinta Markizka attaqwaa oo soo bandhigay wax qabad dhab ah oo la taabankaro muujiyayna shaqada balaaran ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Aarhus ay u hayaan.

Soo bandhigid ardayda wax ka barta Markizka attaqwaa.

Waxay ardaydu soo bandhigeen Nashiidooyin, kalimado wacdi ah, suugaan dhextaal iyo khudbado ay kaga hadlayaan khibradooda waxbarsho iyo rajada ay higsanayaan.

Gabayada iyo suugaanta xaflada lagu soo bandhigay.

Waxaa sidoo kale xaflada gabay kasoo jeediyay Abwaan Bare Maxamed Fiidow, Waxaa kalimada odayaasha magaalada ku hadlay isagoo dhana muujiyay inuu yahay arday ka mid ah ardayda wax ka barata Markizka Attaqwaa oday Cali weheliye oo balan kula galay ilaahay inuu dhameeyo quraanka muujiyayna farxada uu ku qabo inuu Markizkaan wax ka barto.

Ugu danbayn waxaa xaflada kalmad wacdi iyo dardaarn ku wajahan bulshada gaar ahaan walidiinta ka soo jeediyay goobta Sh Abdirahmaan Abyad wuxuuna sidoo kale xusay inuu aad ugu faraxsanyahay kasoo qaybgalka xafladaan, wuxuu kaloo aad u xusay in ay ardayda ka mid tahay mid kamid ah hooyooyinka dagan magaalada(Dahabo Xirsi Kaarshe) oo ah qof wayn kuna guulaysatay inay quraanka bilowdo dhamaysana mudo 10 sano ah waa arin cajiib ah dhifna ah si loo helo, kadib Sh Abdirahmaan Abyad wuxuu gudoonsiiyay Shahaadadkii iyo hadiyaadkii loogu talagalay ardaydii qalinjabisay.

no images were found

Gabagabdii xaflada waxaa soo xiray gudoomiyaha Shuurada Markizka Attaqwaa Abdirahmaan Shaafici Khaliif, oo xusay waxqabadkaan inuu yahay mid ay mudo soo wadeen ayna kasii xoojindoonaan, sidoo kalena magaaladaan ay nasioib u heshay inay mu-yamro iyo xaflado noocaan oo kale ah ay qabandoonto xiliyada soo socda ayna khibrad iyo karti intaba u leeyihiin inay bulshada ugu adeegaan si farxad iyo wax ka faaid leh.

Qabanqaabiyaha iyo xiriiriyaha Xaflada Markizka Attaqwaa

A/rizaaq Sanwayne

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online