Xawaalada TAAJ oo xafiis ka furatay magaalada Qardho.[Masawiro]

June 16, 2015 - Written by Editor

IMG_0106Qardho:-Xaflada lagu soo bandhigayay furitanka xafiiska TAAJ ee Qardho ayaa lagu qabtay xarunta hotel guffure waxana ka soo qayb galay masuuliyin ka socday shirkada GOLIS ,Maamulka Gobolka, Maamulka Degmada , Aqoonyahano nabadoono iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxayna markhanti ka ahaayeen furitanka xawaalada TAAJ .

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Sh.Axmed Cawaale oo ah maamulaha Golis ee Gobolka Karkaar waxana uu sheegay in xawaladu wax wayn u tarayso bulshada oo lacagaha looga soo diri karo dalka dibadisa iyaguna u dirsan karaan .

Axmed Cawaale ayaa afka ku dhuftay in isticmalka TAAJ uusan kaaga baahnayn in aad tagto Xafiiska xawaalada lkn adigoo gurigaaga jooga lacagta laguu soo diri karo adna aad diro karto .

Cumar Faruq oo ah hogaanka ganacsiga ee GOLIS ayaa xaflada ka sheegay in GOLIS ay horay u soo kordhisay adeegyo ay kamid ahaayen Bankiga Salaam iyo kuwo kale waxana uu sheegay in TAAJ ay kamid tahay adeegyada u dambeeyay ee golis soo kordhisay .

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Quraan Maxamed Aadan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay aad ugu macahcelinayaan Shirkada Golis waxana uu sheegay in golis ay tahay shirkad ku dayasho mudan markastana u taagan horumarinta adeegyada ay ugu adeegayso bulshada .

Dhamaan dadkii soo xaadiray munaasabada ayaa sheegay in xawaalada TAAJ ay soo dhowaynayaa iyagoo sheegay in ay xawaaladu u fududaynayso in lacago u dirsadaan dalka dibadiisa iyagana looga soo diro.

Ugu dambayn waxaa munaasibada lagu soo bandhigay abaalmarino kala duwan oo ay shirkadu ugu tala gashay shacabka waxana abaalmarinada lagu helay bakhtiyaa nasiib kala duwan oo ay dadku aad ugu farxeen qof walba wixii ku soo aaday.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online