Arday deeq iyo agab kale duwan soo gaarsiiyey Isbitaalka Laascanod.‏[Masawiro]

July 16, 2015 - Written by Editor

DSC_0218Laascaanood:-Dhalinyaradan ayaa waxay soo gaadhsiiyeen Isbitaalka guud magaalada Lascanod gaara ahaan qaybta tb-da oo ay ku jiraan bukaano kala duwan deeqdan muhiim u ah dadka bukaan ka ah ee ku jira qaybtaasi oo aan waxba haysan kuwaas oo qaarkood laga keenay tuulooyinka gobolka sool iyo weliba deegaanada ku xeeran.

Deeqdan oo ahayd mid isugu jirta bustayaal goyaasha sariiraha qololka bukaanada la saaro timir iyo agabyo kale oo loogu talagalay in lagu nadiifiyo qololka kaladuwan ee ay jiifaan bukaanada qaba cudurka tb-da.

Deeqdan oo loo soowakiishay Sh.Yusuf Haybe oo ah maamulaha Machadka shareecada Al-furqaan isagoona u duceeyey dhalinyarada deeqdan soo bixisay kuna amaanay deeqdan gar gaarka ah ee ay bixiyeen dhalinyaradaasi somaliyeed waxa uuna ku wareejiyey Agaasimaha qaybta tb-da Dr. Cabdi Maxamed Buraale lacag dhan 100 doller iyo 800 Dolar oo alaabta lagu soo iibiyay.

Bukaaanadan deeqda lasoo gaadhsiiyey ayaa waxa ay ahaayeen kuwo wajiyadoodu farxad badani ay muuqatay maadaama kolkii hore ay ahaaayeen kuwo dhibaataysan baahi badanna u qabay in lasoo caawiyo.

Waxaana si weyn loogu mahad celiyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee deeqdan soo gaadhsiisay dadkan bukaan ka ah iyadoona loo baahan yahay in lagu daydo dhalinyadan aqoon yahanka ah maadaama ay ahaayeen kuwo isasoo xil qaamay waxna la taro.

Dhammaan dadka aan waxba haysan ayna ugu liitaan dadka bukaan aha ee qaba cudurka tb-da kuwaas oo ay isugu darsantay cunto la’aan nafaqo darro iyo caafimaad xumo deeqdan ayaa waxa ay ahayd mid siwayn ay ugu baahnaayeen.

no images were found

Hoos ka Daawo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka bartay waddanka Hindia ee degan Qadar oo caawimo soo gaadhsiisay Isbitaalka Lascanod.


C/kariim C/laahi
Lascanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online