Culimada Gobolka Sool oo baaq u diray Umada Soomaaliyeed‏.[Masawiro/Video]

July 14, 2015 - Written by Editor

_DSC0971Laascaanood:-Saciid Faarax Axmed waa dhibane ku nool magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool , Saciid waa Aabe Alle siiyay 7 caruur ah oo dhamaantood xanuun ay isaga ka dhaxleen la jiifa , Saciid Faarax wuxuu ku dhashay xanuun uu Alle sw ku imtixaanay , Xanuunkaas oo ah lugaha oo naafooba lafaha oo jajabaya iyo madaxa oo ay Buro kaga taallo hadda isla markana ay kala dhaxlaan Saciid iyo caruutiisu.

Xanuunka lafaha Caruurta ka jabinaya waxaa uu ahaa mid ilmuhu marka uu isku dayo inuu Ciyaaro uu jabayo, Qoys markaan guriga galay Ilaahay ayaa awood leh Xaalada haatan ugu daran waa xaalada Aabe Sicii Aaxmed Aw Faarax oo Madaxa Buro ka soo baxday waxa uu ahaa Curyaan mudo xanuunkaas uu lugha uu ka soo jebinayay, waxaana uu u baahan yahay caawimada walaalaha.

Xanuunka haya Saciid faarax iyo caruutiisa haya waa mid aan dalka gudihiisa lagu daawayn karin sida uu sheegay Dr.Faarax Maxamed Warsame oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee gobolka Sool.
Culimada iyo waxgaradka gobolka Sool ayaa ugu baaqa ummada soomaaliyeed in gurmad deg deg ah loo fidiyo qoyska ku dhiban magaalada Laascanood , Culimada ayaa sheegay in qiimaha ku kacaya daawaynta qoyskani uu yahay 40 kun oo dollar , 30 kun oo isaga lagu daaweeyo iyo 10 kun oo dollar oo caruurtiisa lagu daaweeyo .

Hoos ka Daawo Muuqaalka 1aad ee culimada iyo waxgaradka gobolka Sool

Hoos ka Daawo Muuqaalka 2aad ee culimada iyo waxgaradka gobolka Sool

Ugu danbayntii culimada gobolka Sool , ayaa sheegay in 40 kun oo dollar loo qoondeeyey daawaynta qoyskaa , halka magaalada Laascaanod 20 oo dolar oo lagu qoray , laan hayo 20 kaa blasé , 20 ka kale lagu qoray ummada Islaamka ee daafaha caalamka ku kaa nool inay Alle dartii ugu deeqaan qoyskan ku dhiban magaalada Laascaanood.

no images were found

Wixii faahfaahin kala Xidhiidh:- 4496324/4496041/4496252/4492002

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online