Dawro Xifdul mutuunta oo lagu soo gabagabeeyey Masjid Jaamicul Madiina Burco.[Masawiro]

July 14, 2015 - Written by Editor

20150713_110829Burco:-Dawradan oo loo qabtay Arday ka kooban 42  ar day waxaa lagu xifdisiinayey 4 kitaab oo ka mida Kutubta Shareecada Islaamka  Sida 100 xadiis,  Sulam wusuul ( kutub tawxiid), Matni abii shujaac ( Fiqhi) iyo Siirada.

Xafladan lagu soo gunaanadayey  xidhitaanka dawradan  waxaa ka soo qayb galay  Culimo udiinta, shirkadaha Ganacsiga, Maamulka Gobolka iyo waalidiinta Ardaydaas. Ugu horayn waxaa   xafladaa ka hadlay Gudoomiyaha  Mu’assadada  Alkaram ee Dacwada iyo Horumarinta  ee gobolka  Togdheer Sh. Saleebaan Diiriye  oo ka warbixiyey  hadafka iyo u jeedooyinka loo aas aasay hay’adani ay tahaay dacwada iyo horumarinta gobolka isagoo xusay waxyaalaha ay qabatay hay;adu inay ka mid tahay  qabashada dawrooyinka, Nadawaadka Duruusta ka socota masaajidada iyo  fataawaa ramadaaniya oo
ah in dadka  loo cadeeyo Axkaamta ku taxaluqda shareecada Islaamka gaaar ahaan bisha Ramadaan.

Ugu danbayn wuxuu gudoomiyuhu  uga mahad celiyey Shirkada telesom dedaalka ay ugu jirto horumarinta gobolka Togdheer.

Maamulaha Machadka Alimaamu shaafici Sh. Yuusuf  Maxamuud Diiriye ayaa xusay in dawradani ay tahay dawradii 4  ee ay shirkada telesom  ugu qabato machadka Alimaamu shaafici  ardaydan wuxuuna ka warbixiyey  baahida loo qabo in  kor loo qaado aqoonta iyo tarbiyada da’ yarta. Wuxuuna aad ugu dhiirigeliyey ar dayda inay ka faa;iideystaan fursadan qaaliga ah. Isagoo dhinaca kale baaq u diray dhamaan shirkadaha kale iyo ganacsatada, iyo maamulka gobolku inay ka qayb qaataan   horumarinta iyo kor u qaadida Aqoonta ubadka yaryar.

Madaxa suuq geynta Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom  Cali mahdi Ismaaciil ayaa isna halkaa ka soo jeediyey talooyin dhaxalgal ah oo ku wajahan  in si xikmad leh loogu fekero sidii sare loogu qaadi lahaa   heerka aqooneed  ee Ardayda.

Wuxuuna xusay baahida loo qabo inay Culimada, shirkadaha ganacsiga iyo maamulka gobolka ay iska kaashadaan sidii loo aasaasi lahaa xarumo (boarding)  oo  si gaar ah loogu hayo Ardayda loona diyaariyo inay noqdaan kuwo  waqti  iyo fursad dheeri ah u hela inay bartaan shareecada islaamka.

Waxa iyana xafladaas ka hadlay masuul ka socda shirkada Ileys oo kamida shirkadaha sida joogtada uga qaybqaata Horumarinta dacwada Gobolka  Togdheer. wuxuuna ardayda aad ugu dhiirigeliyey aqoonadta iyo inay ka faa’iideystaan fursadan qaaliga ah.

Culimada gobolka oo ay ka mid yihiin Cabdi Sh.Yuusuf  Cabdi cawed iyo sh. C/qani aw saalax ayaa iyaguna  halkaas ka soo jeedieyey  kelimaad isugu jira waano iyo baraarujin.

Ugu danbayn waxaa halkaas  ku  gudoonsiiyey Ardaydii kaalimaha sare ka galay dawradaas badhasaab ku xigeenka  Gobolka  togdheer Maxamed  diiriye xayd  jawaais isugu jirtey lacag iyo shahaadoooyin.

Waxaa xafladaas soo gunaanaday  Duqa maagalada Burco Ustaad Maxamed Muraad oo ku balan qaaday inay culimada gobolka lagarab istaagi doonaan waxqabad iyo  mashruuc kasta oo lagu horemarinayo  Majaalaadka dacwada  iyo waxbarashada.

no images were found

Mu’asadada Alkaram ee Dacwada iyo
Horumarinta 
ee gobolka Togdheer

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online