Dawrooyinkii Sayfiga ahaa oo lagu soo gabagabeeyey Masjidka Jaamicul Madiin ee Burco.[Masawiro]

July 15, 2015 - Written by Editor

20150714_102337Burco:-Masaajidul Jaamicul madiina (Indhodeero)  ee Magaalada Burco waxaa   lagu soo xidhay  xaflad  lagu khatimayey  Dawradii   la magac baxaday  Shiikh Maxamed Bin C/wahaab.  Dawradan  oo ahayd Dawradii 7/aad ee ay soo qaban qaabiyeen Ardayda  Jaamacadda Madiinatu-Almunawara. waxaana horseed ka ahaa Sh.C/raxmaan Aadan Ali. ( shaacir) Dr.Xassan Cali Warsame, Dr. Faysal Maxamed Cali  iyo Sh. Daa’uud Cali Adan.

Dawradan oo ay ka soo qayb galeen Culimada gobolka,  waxgaradka,  Shirkada Indhadeero group, Mu’asasada Alkaram lidacwati watanmiya iyo Ardaydii  qaadatay duruusta.

Ugu horayn   Sh. C/raxmaan Aadan Ali  ( shaacir)  oo ahaa madaxa  Culimada  soo diyaariyey dawradan ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Culimada kala qayb qaadatay dawrada, wuxuu mar labaad aad ugu mahad celiyey Shirkada ganacsiga ee  Indhadeero group, oo iyadu  sanad walba suurto gelisa qabsoomida dawrada sayfiga ah.

Ardayda ka qayb qaadatay  dawradan waxay gaadhayeen 500 Arday oo isugu jira wiilal iyo hablo iyadoo 450 ka mid ah Ardaydaas ay u fadhiisteen  imtixaanka halkaasna waxaa jawaa’is iyo shahaadooyin lagu gudoonsiiyey 40/kii Arday ee ugu sareeyey.

Sh. C/raxmaan Aadan Ali  ( shaacir) wuxuu ka warbixiyey  ujeedooyinka iyo ahdaafta laga leeyahay dawradan  inay ka mid tahay.

1. In  la barto cilmiga Shareecada Islaamka iyadoo  laga faa’iideysanayo fasaxyada waxbarashada.

2. In Ardayda la baro akhlaaqda wanaagsan lagana mashquuliyo firaaqa iyo suuqyada.

3. In la xoojiyo juhuuda dacwadeed ee  ka socota masaajidada.

4.In la taageero  dedaalada ay wadaan Muasasaadka ka shaqaynaya dacwada.

5. In fursad lasiiyo ardayda aan  waqtiga   u helin inay barashada shareecada kuna xidhnayn  Masaajidada.

6. In  laga faa’iideysto waqtiga dhalin yaranimada  iyo fursada la haysto si loobuuxiyo firaaqada banana ee  la haysto.

Hadalo koob kooban oo ay halkaas ka soo jeediyeen Culamadii ka soo qayb gashay  oo ay ka mid ahaa yeen Fadiilatu Sh. Cali Warsame Xasan, Sh. Jaamac Cali Cabdile , Sh Yuusuf Maxamud Diiriye  iyo   Gudoomiyaha  mu’asasada dacwada gobolka togdheer ee Alkaram Sh Saleebaan Diiriye,dhamaan waxay aad ugu mahad celiyeen  Culimada  soo diyaariyey   dawradan iyagoo  hadalo waano  iyo dardaarana  u soo jeediyey Ardaydaa ka faa’iidaystay  fursadan qaaliga ah.

Maadaaba ay  dhalinyaradu  yihiin  mustaqbalkii Ummadda, iyo kuwii berito qaban lahaa hogaanka  Dalka waa inay u diyaar garoobaan  inay noqdaan  macalimiintii   mustaqbalka. “ waxaa maanta  Caalamka lagu tartamaa waa  sidii wax loogashan lahaa Jiilasha idinka oo kale si ay berito  Afkaar iyo aragti kale ay ula yimaadaan.”  Waxay  ku  soo khatimeen  inay u diyaar garoobaan   inay buuxiyaan dawrkii ay ku lahaayeen  Bulshada oo ah in wax loo barto si loogu hago ummadda dariiqa toosan.

Ugu danbayn  Dawradan  oo ah tii 7aad ee  wata shicaarka  Sh. Maxamed Bin Cabdiwahaab waxay soo bilaabeen 1428 oo ku began 2008 waxaa soo daadihiynayey Ardayda  ka socota jaamicada Islaamiga ee Madiinatu-Almunawara oo sanad walba iska xilsaara sidii ay uga faa’iideyn lahaayeen Aqoonta ay xan baarsan yihiin Bulshadana ugu soo celin lahaayeen wax ka mida Aqoontooda.

no images were found

 Muasasada dacwada iyo horumarinta
gobolka togdheer ee Alkaram

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online