DFS oo balan qaaday bixinta Mushaarooyinka dhaqaalaha dowlada

July 13, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Shaqaalaha dowladda ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada mushaar ka, si ay ula ciidaan qoysaskooda, waxaana dowladu dadaal ugu jirtaa sidii hada kadib shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogta u noqon lahaa.

“Runtii xanuun weyn ayeey nagu haysay in shaqaalaha dowladu aysan mushaar qaadan 4-tii bilood ee u danbaysay, waana mid aan la qaybsanayno shaqaalaha iyo qoysaskooda. Waxaana arinkaan sababay Miisaaniyadii la qoondeeyey 49% oo laga sugayey dibadda ayaan soo xaroon, waxaana dowladu ku khasbanaatay in loo beekhaamiyo dhaqaalaha soo xarooda adkaynta amniga iyo tasiilaadka ciidamada kala duwan ee qalabka sida. ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in dakhliga guduhu kordhay, balse taa macnaheedu maahan in ay dabooli karto baahiya jira.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada kale oo soo wajahday in mushaaraadka dib u dhacaan ay sabab u tahay Bangiga Aduunka oo kabi jiray mushaaradka in laga soo biloobo bishii March uu dib u dhac ku yimid kadib markii uu dhamaaday heshiiskii halka sano ahaa.

“Nasiib wanaag waxaan ku guulaysanay bishaan bilowgeeda in aan la saxiixano heshiis kale oo 5 sano ah Bangiga Aduunka, kaas oo lagu kabayo musaaraadka shaqaalaha rayidka ah, Dowladdu waxay dadaal u gashay in mushaaradku aysan hada ka dib kal go’ayn, lana bixinayo dhamaan bilihii la soo dhaafay mushaaradka shaqaalaha rayidka ah ka maqan. Waxaana isku dayaynaa in bishaan gudaheeda aan bixino labo bilood oo kala ah March iyo April“ayuu yiri Wasiir Xayir

Uga danbayntii Xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa u mahadceliyey shaqaalaha dowladda adkaysiga ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adeeygeen dhibaatooyinka mushaar la’aaneed ee soo wajahay. wuxuuna sidoo kale sheegay in mushaaraadka ciidamda dhakhso loo bilaabi doono.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online