DFS oo maanta gudbisay dacwad ka dhan ah ee dalka Kenya

July 13, 2015 - Written by Editor

dacwadHague:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay maanta Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, u gudbisay dacwad ka dhan ah Jamhuriyadda Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda weydiisatay in ay cayinto soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan 200 oo nautical mayl.

Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Waddamada Benalux iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku qotomo sharciyad culus, waxayna Maxkamadda ka sugeysaa go’aan caddaalad ah.

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online