Faahfaahin qaabkii uu u dhacay qaraxii Hotel al jazeera.[Daawo Video]

July 26, 2015 - Written by Editor

Qarax-JazeeraMuqdisho:-Hotel Al-Jazeera waa hotelka ugu wayn uguna caansan Magaalada Muqdisho waxaa lala eegtay qarax wayn oo laga dareemay agagaarka Hotel Al-Jazeera ,Hotel Al-Jazeera waxaa uu u dhow yahay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde .

Qaraxa ayaa waxaa uu dhacay abaarihii 04ta iyo 10 daqiiqo xili laga baxay salaadii Casar wuxuuna qaraxu ahaa mid aad u weyn burbur xoogana u geystay Hotel Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka xiga No.4

Hotel Al-Jazeera waxaa deganaa safiirada dalalka Shiinaha iyo Qadar waxaa kale oo Hotelka deganaa Wasiirka G/dhiga ee DFS C/qaadir Sheekh Cali Diini oo safar ugu maqnaa magaalada Kismaayo iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka ee KMG Nuur Xassan Xusen Nuur Cadde ,siyaasiyiin ,Ganacsato ,Hayaddo Samafal qaarkood iyo dadweyne rayid ah .

Khasaaraha uu geystay Qaraxa ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan waxaana ilaa haatan la xaqiijiyey dhimashada 13 qof waxaana ku dhaawacmay 30 kale oo rayid u badan.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ama hay,adaha samafalka, diplomaasiyiin ku geeriyooday qarax lagu weeraray Hotel Al-Jazeera marka laga reebo qof diplomaasi ah oo dhalashadiisa lagu sheegay inuu ka soo jeedo Shiinaha oo dhaawac uu soo gaaray.

Baabuurka lagu fuliyey qaraxa ayaa ahaa kuwa Xamuulka waxaana masuuliyada qaraxa sheegtay ururka Al-shabaab iyaga oo sheegay in ay u aargudeen dad rayid ah oo ay ciidamada huwantu ku laayeen Koonfurta Soomaaliya waxaase yaab leh in ilaa hadda dadka ay ku dhintay Qarax ay u badan yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

Hoos ka Daawo Qarax Xoogan Oo Lala Beegsaday Hotel AL Jaziira

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online