Golaha Al-furqaan ee ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan ee Laascaanood oo doortay gudoomiye cusub .[Video/Masawiro]

July 20, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Shir sanadeedkii saddexaad ee golaha oo maalmahaan ka socday xarunta Machadka Al-furqaan ayaa lagu doortay gudoomiye cusub , iyo gudoomiye ku xigeen. Munaasabad ballaadhan oo ay ay la kala wareegayeen gudoomiyihii hore iyo gudoomyaha cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ugubka bulshada ku dhaqan magaaada Laascaanood, culimada waawayn ee gobolka Sool , maamulka machadka Alfurqaan iyo dufcadihii kala duwanaa ee ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan .

Sidoo kale , waxaa goob joog ahaa Culimada waawayn ee u soo halgamay ilaalinta iyo faafinta diinta sida Shiikh Axmed Maxamed Sulaymaan , Sh C/Waaxid Xaashi , Sh Adam Cali Nuur , Shiikh Yuusuf Haybe Ibraahim  iyo Culimo kale .

Gudoomiyihi hore ee golaha Al-furqaan ayaa ugu horayn ka warbixiyay xaalada golaha iyo halka ay soo gaadhsiiyen isaga iyo xubnihii la shaqaynayay halwha multaqaha , sanadkii uu hayay .

‘Waxaan hayay masuuliyada iyo xilka golaha Ardayda ka baxday machadka Alfurqaan maalmihii ka danbeeyey ee Ramadaantii Tagtay , waxaanu ka soo bilownay howsha halkii maamulkii hore ay soo gaadhsiiyeen , Alle mahadii ay noo suuroobeen inaanu wax badan qanao, waxaanu qabanay inaanu horu mar ka gaadhno , xaga isku xidhka iyo xorumarinta arimahada dacwada ee gobolka Sool. Sidoo kale waxaanu qabanay oo soo baabulnay muxaadarooyin farabadan oo laga fuliyay magaalada iyo nawaaxigeeda, waxaanu laascaanood isugu keenay dhamaan Macaahida waawayn ee Somalia , inaanu ku tababar –dawro
ay Culimadu siiyaan dhalinyaradaa ‘ ayu yidhi C/Rashiid Maxamed Awdaahir gudoomiyihii hore ee Golaha Alfurqaan .

Xirsi Aadan Maxamed oo loo doortay gudoomiyaha hogaamin doona sanadkaan ayaa xilka kala wareegay gudoomihii hore ee C/Rashiid Maxmed Awfaarax. Sidoo kale gudoomiyaha cusub ee golahani ayaa isna ka waramay waxyaabaha uu qaban doono isaga iyo ku xigeenkiisa.

no images were found

Haddaba Golaha Al-furqaan waxyaabah uu u qabto bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda waxaa ka mid ah:-

1. Faafinta iyo koru qaadista Dacwada gobolka Sool .

2. Wacy gelinta arimaha waxbarashada iyo Caafimaadka gobolka .

3. Barashada Qur’aanka iyo Diiteena Suuban .

4. Ilaalinta akhlaaqda Suubanihi Nabigeena N.N.K.H iyo ku dhaqanka Sunnadiisa.

5. Qabashada muxaadarooyinka lagu qabto meelaha dadku siugu yimaado , sida Suuqyada , wadooyinka , iyo masaaajida.

6. Gudbinta wanaaaga iyo horumarka bulshada , iyadoo caalamka loo marinayo howla qalabka warbaahinta noocyadiisa kala duwan .

7. Wacyi gelinta dhalnyarada , iyo in lagu toosiyo Tubta toosan ee Diintu inoo jeexdday.

8. Sidoo kale in la qabto safari dacwadeed oo lagu booqanyo Tuulooyinka iyo magaalooyinka .

Ugu danbayntii golaha Alfurqaan oo ah Gole ay ku midoobeen dhamaan dufcadihii kala duwanaa ee ardayda ka qalin jabisa machadka wayn ee Alfurqaan ayaa ah gole ka shaqeeya horumarka ,wacyi gelinta , toosinta bulshada , iyo barista aqoonta Diiinta Islaamka iyo dhamaan hawlaha dacwada ee gobolka iyo nawaaxigiisa.

Hoos ka Daawo Golaha Al-furqaan oo Doortay Hogaan Cusub

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online