Gudiga suuqlayda Digil iyo Mirifle ee Boosaaso oo 10.000 dollar ku wareejiyey gudiga gurmadka Qaxootiga.[Masawiro]

July 15, 2015 - Written by Editor

Boosaaso:-Shalay galab ayaa waxaa gudi iskood isku abaabulay oo ka socdo Suuq layda ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga Yemen soo gaarsiiyeen deeq lacageed  oo dhan 10,000 (toban kun oo dollar) oo ay ugu talagaleen in wax loogu qabto qaxootiga Yemen ka soo qaxaya.

Shariif Guudle Xussen oo gudoomiye u ah gudiga lacagtaan soo ururiyey ayaa ugu horayntii tilmaamay in markay dhagaysteen baaqyadii culimada ee ku aadanaa in la caawiyo loona gurmada qaxootiga Yeman ka soo qaxaya dagaalada ay go’aansadeen  in ay suulayda Digil iyo Mirifle  ka ururiyaan qaaraan lacageed oo lagu taageerayo qaxotiga yemen.

“…Maanta waxaan culimada iyo gudiga gurmadka qaxotiga yemen ku wareejinaynaa deeq lacageed oo dhan $10,000 (toban kun oo dollar) waxaan lacagtaan iska soo ururiyey suuqlayda Digil iyo Mirifle ee ku nool magaalada bosaso..” ayuu yiri shariif .

Shariif oo hadalkii sii wata ayaa sheegay in deeqdaani aytahay hordhac ayna ragaynayaan in lacago kale soo gaarsiiyaan culimada iyo gudiga qaxootiga Yemen , wuxuuna ugu baaqay raga suulqayda ah ee degmooyinka kale ku nool in ay iyana sidaas oo kale ka qayb qaataan gurmadka qaxootiga.

Sheikh Maxamed Macalin oo isna madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyey suuqlayda Digil iyo Mirifle deeqdaan lacageed aysoo gaarsiiyeen allena uga baryey in uu kuu ka abaalmariyo maalkoodana ubarakeeyo.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka qaxootiga Yemen Sh.Axmed Yuusuf Daad ayaa wuxu uga mahad celiyey suuqlayda digil iyo mirifle lacagtaan ay uga qayb qaadanayaa gurmadka qaxootiga ,wuxuna tilmaamay in ay lacagtaani wax weyn ay katarayso dad badana lagu rari doono.

“  waxaan cadaynaynaa in ay walala suqlayda ah ee digil iyo mirifle nasoo gaar siiyeen lacag dhan sigaar $10,000 (doban kun oo dollar) sigaar ah bay noo farax galinaysaa deeqdaani maxaa yeelay waxaa bixiyey rag jeeblayaal yar yar waxay muujiyeen isxilqaan gaar ah  alle maalkooda iyo muruqoodaba ha u barakeeyo ” ayuu yiri Sheikh axmed.

Lacagahaan ay labaxayaan walalaha muxsiniinta ah si loogu gargaaro qaxootiga Yemen ayaa waxaa lagu kharash gareeyaa safrinta iyo sahayda dadka qaxootiga ah ilaa ay ka gaarayaan  deeqanadoodii.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online