Hay’ada Khayriga ah ee Oman Charity Organization oo deeq Raashin ah gaarsiisay in ka badan 2000 Qoys oo Bosaaso ku nool.[Masawiro]
July 5, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Hayada Khayriga ah ee Oman Charity Organization oo ka socotay Saldanada Cumaan oo kaashanaysa Mu’asasada Al-minhaaj, ayaa maanta magaalada Boosaaso ka qaybisay raashin. Raashin kaan ay ha’du qaybisay ayaa waxaa loo qaybiyey 2000 qoys oo isugu jira Barakacayaasha ku nool magaalada boosaaso ,iyo qoysas faqiirka ah.
Mashruuca deeqdaan mu’asasadu ku qaybinaysay ayaa waxaa kormeer ka ahaa , wasiirka wasaarada cadaalada ee Puntland iyo mas,uuliyiin kasocda ha’ada cumaan ee khayriga ah, oo iyadu maalgalinaysay mashruucaan.
Deeq daani raashin ka ah ee maanta laga qaybiyey magaalada boosaaso ayaa waxay qayb katahay deeq raashin ah oo ay mu’asasada oo kaashanaysa ha’ada khayria ah ee , ay horay uga ka qaybisay magaaloyinka Garowe , Qardho.
Shir saxaafadeed lagu qabtay goobtii lagu qaybinayey raashinka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha guud ee mu’asasada alminhaaj Maxamed C/laahi C/dule wuxuuna uga mahadceliyay Hayada Khayriga ah Ee Oman Charity Organization deeqdan ay soo gaarsiiyeen walaalahooda muslimiinta ah, waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee howshaan iskugu
soo xilqaameen.
Wuxuuna tilmaamay in ay mu’asasaduna dadkaan raashinka loo qaybiyey loo soo xulay sidii aad uhufan, ayna yihiin dadkii loogu talagalay raashinkaan.
Wasiirka wasaarada cadaalada dawlada Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo isna ka hadlay goobta ayaan wuxuu si kal iyo lab aha uga mahad celiyey ha’ada Oman Charity Organization ee laga leeyahay saldanada cumaan ee walaalaha aan nahay, wuxuun sheegay wasiirku in ay deeq daan wax badan utari doonto dadka dan yarta ah ee loo qaybiyey .
Ugu danbayntii waxaa munaasabada ka hadlay sulaymaan jabali oo ah wakiilka hay’ada khayriga ah ee Oman Charity Organization, wuxuuna ugu horayntii kamahadceliyay Sida wanaagsan ee Dowladda iyo Shacab u soo Dhaweeyeen .
Sulaymaan oo oo hadalka sii wata hadalkiisa ayaa tilmaamay in uu aad ugu farax sanyahay in ay walaalahoodu soomaalida ah soo gaar siiyaan taakulo si ay uga fududeeyeen baahida badan ee haysata iyo duruufaha jira ee adag ay ku jiraan , iyagoo ka faa’idaysanaya bisha barakaysan ee Ramadan ,wuxuuna sheegay in aysan noqon doonin deeqdaani tii ugu horaysay ee ay damacsanyihiin kuwa kalena in ay soo gaarsiiyaan walalahooda soomaalida ah ee tabaalaysan .
no images were found
Mu’asasada Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net