Hay’ada Khayriga ah ee  Oman Charity Organization oo deeq Raashin ah gaarsiisay  in ka badan 2000 Qoys oo Bosaaso ku nool.[Masawiro]

July 5, 2015 - Written by Editor

7Boosaaso:-Hayada Khayriga ah ee Oman Charity Organization  oo ka socotay Saldanada Cumaan oo kaashanaysa Mu’asasada Al-minhaaj, ayaa maanta  magaalada Boosaaso ka qaybisay raashin. Raashin kaan ay ha’du qaybisay ayaa  waxaa loo qaybiyey 2000 qoys oo  isugu jira Barakacayaasha ku nool magaalada boosaaso ,iyo qoysas faqiirka ah.

Mashruuca deeqdaan mu’asasadu ku qaybinaysay  ayaa waxaa kormeer ka ahaa , wasiirka wasaarada cadaalada ee Puntland iyo mas,uuliyiin kasocda ha’ada cumaan ee khayriga ah, oo iyadu maalgalinaysay mashruucaan.

Deeq daani raashin ka ah ee maanta laga qaybiyey magaalada boosaaso ayaa waxay qayb katahay deeq  raashin ah oo ay mu’asasada oo kaashanaysa ha’ada khayria ah ee , ay  horay uga ka qaybisay magaaloyinka Garowe , Qardho.

Shir saxaafadeed lagu qabtay goobtii lagu qaybinayey raashinka  ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay  gudoomiyaha guud ee mu’asasada alminhaaj Maxamed C/laahi C/dule wuxuuna uga mahadceliyay Hayada Khayriga ah Ee  Oman Charity Organization deeqdan ay soo gaarsiiyeen walaalahooda muslimiinta ah,   waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee  howshaan iskugu
soo xilqaameen.

Wuxuuna tilmaamay in ay mu’asasaduna dadkaan raashinka loo qaybiyey loo soo xulay sidii aad uhufan, ayna yihiin dadkii loogu talagalay  raashinkaan.

Wasiirka wasaarada cadaalada dawlada Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo isna ka hadlay goobta ayaan wuxuu si kal iyo lab aha uga mahad celiyey ha’ada Oman Charity Organization  ee laga leeyahay saldanada cumaan ee walaalaha  aan nahay, wuxuun sheegay wasiirku in ay deeq daan wax badan  utari doonto dadka dan yarta ah ee loo qaybiyey .

Ugu danbayntii waxaa munaasabada ka hadlay sulaymaan  jabali oo ah wakiilka  hay’ada khayriga ah ee Oman Charity Organization, wuxuuna ugu horayntii  kamahadceliyay Sida wanaagsan ee Dowladda iyo Shacab u soo Dhaweeyeen  .

Sulaymaan oo oo hadalka sii wata hadalkiisa ayaa  tilmaamay in uu aad ugu farax sanyahay in ay walaalahoodu soomaalida ah soo gaar siiyaan taakulo si ay  uga fududeeyeen baahida badan ee haysata iyo duruufaha jira ee adag ay ku jiraan , iyagoo ka faa’idaysanaya bisha barakaysan ee Ramadan ,wuxuuna sheegay  in aysan noqon doonin deeqdaani tii ugu horaysay ee ay damacsanyihiin kuwa kalena in ay soo gaarsiiyaan walalahooda soomaalida ah ee tabaalaysan .

no images were found

Mu’asasada Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online