Madaxweynaha DFS oo dhagax dhigay xaruntii Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta.[Masawiro]

July 21, 2015 - Written by Editor

unnamed-47Muqdisho-: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku burburtay dagaalladii sokeeye. Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya. Madaxweynaha oo dhagax-dhigga kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ay ku fadhido micno taariikhi ah.

‘’ Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi, hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan awooddeena oo dhan isugu geyno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dib u dhiska iyo dayactirka akademiyadda waxaa dowladda Soomaaliya gacan ku siinaya Midowga Yurub iyo hay’adaha gargaarka ee CISP iyo OXFAM. Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa waxaa Madaxweynaha ka hor hadal ka jeedisay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Khadra Bashiir Cali.

no images were found

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online