Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galaya Shirweynihii 3aad ee dhinaca Maalgashiga Horumarinta oo ka dhacaya Addis Ababa

July 13, 2015 - Written by Editor

xasan5Addis Ababa:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xassan Sheekh. Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaa oo uu kaga qeybgalayo shirweynihii 3aad ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee dhinaca maalgashiga mashaariicda horumarinta.

Shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iyo in laga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin dollar oo wax looga qaban karey yareynta fakhriga.
Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka sokow waxaa kale oo uu ka qeybgeli doonaa shir sare oo gaar ah oo madaxda waddamada ku jira urur goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan nidaaminta iyo la socodka xawaaladaha.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbado ka jeediyo shirarkan. Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkan caalamiga ah ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa.

no images were found

DHAMMAAD—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online