Madaxweynaha DFS oo soo dhoweeyay doorashada maamulka KMG ee Gal-Mudug
July 7, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xassan Sh. Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay baarlamanka maamulka Gal-Mudug, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka ku meel gaarka ee Gal-Mudug.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortey Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, isagoo si gaar ah u soo dhoweeyay qaabka daah-furnaanta iyo sida nabdoon ee ay doorashadu ku qabsoontey.
“Soomaaliya waxay ku tallaabsatey horumar la taaban karo oo ku wajahan baahinta xukunka dowlad nimada iyo dhaqangelinta habka federaalka. Doorashada toddobaadkan ee maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug waa tallaabo kale oo horey loogu qaadey dhinaca dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inaga go’an inaan la shaqeyno Madaxweyne Cabdikariim Guuleed iyo maamulkiisa, si loo dhiso xiriir adag oo lagu xaqiijinayo in shacabka Galmudug iyo gobollada kale ee dalka ay si wadajir ah u hiigsadaan nabad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha.
-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so