Madaxweynaha DFS oo soo dhoweeyay doorashada maamulka KMG ee Gal-Mudug

July 7, 2015 - Written by Editor

6655Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xassan Sh. Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay baarlamanka maamulka Gal-Mudug, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka ku meel gaarka ee Gal-Mudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortey Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, isagoo si gaar ah u soo dhoweeyay qaabka daah-furnaanta iyo sida nabdoon ee ay doorashadu ku qabsoontey.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatey horumar la taaban karo oo ku wajahan baahinta xukunka dowlad nimada iyo dhaqangelinta habka federaalka. Doorashada toddobaadkan ee maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug waa tallaabo kale oo horey loogu qaadey dhinaca dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inaga go’an inaan la shaqeyno Madaxweyne Cabdikariim Guuleed iyo maamulkiisa, si loo dhiso xiriir adag oo lagu xaqiijinayo in shacabka Galmudug iyo gobollada kale ee dalka ay si wadajir ah u hiigsadaan nabad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online