Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta la kulmay wasiiradii uu dhowaan soo magaacabay.[Masawiro]
July 8, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 8-7-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kula kulmay sideed Wasiir oo ka mid ah sagaal kii wasiir ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay, kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyey Golaha xukuumadda Puntland.
Wasiirada ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda, diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac , Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, Wasiirk maaliyadda Cabdullaahi Shiikh Jaamac, Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Abshir Yuusuf Ciise ,Wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cismaan Ciise, Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan iyo sidookale Wasiirka beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu wasiiradaan cusub kula dardaarmay in ay li yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan howlaha qaranka.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu wasiirada kula dardaarmay ilaalinta hantida dawladda , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan , sidookalana xiriir dhow oo wada shaqeyneed wada yeeshaan xoojiyaana isku xirka guud ahaan Gobolada Puntland , sidoo kalana ka qeyb-qaataan derdergelinta barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee dalka ka socda.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.