Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta la kulmay wasiiradii uu dhowaan soo magaacabay.[Masawiro]

July 8, 2015 - Written by Editor

IMG_1005Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 8-7-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kula kulmay sideed Wasiir oo ka mid ah sagaal kii wasiir ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay, kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyey Golaha xukuumadda Puntland.

Wasiirada ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda, diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac , Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, Wasiirk maaliyadda Cabdullaahi Shiikh Jaamac, Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Abshir Yuusuf Ciise ,Wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cismaan Ciise, Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan iyo sidookale Wasiirka beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu wasiiradaan cusub kula dardaarmay in ay li yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan howlaha qaranka.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu wasiirada kula dardaarmay ilaalinta hantida dawladda , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan , sidookalana xiriir dhow oo wada shaqeyneed wada yeeshaan xoojiyaana isku xirka guud ahaan Gobolada Puntland , sidoo kalana ka qeyb-qaataan derdergelinta barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee dalka ka socda.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online