Madaxweyne Gaas oo safar ku tegay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.[Masawiro]

July 31, 2015 - Written by Editor

IMG_3733Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-7-2015 si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal . Maamulka Degmada , Waxgarad, Haween , Dhalinayaro, Cuqaal, masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa si habsami leh uga qeyb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas loogu sameeyey Degmada Burtinle .

Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynuhu waxaa uu bulshadii iyo masuuliyintii soo dhaweysay kula hadlay meel fagaare ah , isagoona uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen , waxaana uu ku amaanay maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida ay uga qeyb-qaateen horumarka baaxada leh ee ay gaartay Degmadu.

” Runtii sida aadka u wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen aniga iyo wefdigayga aad ayaan idiinka mahadcelin , waxaa iiga muuqata soo dhaweynta dad faraxsan , waxaa sidookale ii muuqda magaalo qurux badan oo hurumartay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaa loo baahanyahay in dawladd iyo shacaba inaad iska kaa shataan adkaynta nabad-gelyada Degmada , taas ayaa muhiimada koowaad iskaleh meelkasta oo aan joogno Puntland ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

Madax weynaha ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka Burtinle ugu baaqay inay ka qeyb qaataan barnaamijka isku tashiga Puntland, islamar ahaantaana si deg deg ah u soo dhisaan Golaha deegaanka Degmada cidkastana dhinaceeda ay ka qaadato horumarka Degmada .

Ugu dambeyn madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyey hoyga uu degmada Burtinle ka dagan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , waxaana halkaas madaxweynaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Islaan Bashiir oo u sameeyey qado sharaf.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online