Madaxweyne Gaas oo soo xiray Tartanka Qur’aan Akhriska Gobollada Puntland.[Masawiro]

July 10, 2015 - Written by Editor

IMG_1514Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-7-2015 masaajidka Hudda ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku soo gebagebeeyey tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.

Xaflada Soo xiritaanka tartanka oo ka dhacay gudaha masaajidka Hudda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan iyo dadweyne kale.

Ka dib markii munaasibadii salaada jimce la tukaday ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyey waxaa uu culimada iyo cidkasta oo ka qeyb-qaadatay hirgelinta Tartanka Qur’aanka kariimka ah ku dhiirigeliyey in ay sii laba jibaaraan , waxaana uu waalidiinta dhashay ardaydii ka qeyb-gashay tartanka ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay u badkooda u tarbiyadeeyeen.

” Munaasibadaan aynu isugunimi waa wixii ugu wanaagsanaa uguna kheyrka badnaa ee laysugu yimaado , anagana runtii farxad weyn ayey nootahay inaan ka soo qeyb-galno munaasibadaan qiimaha weyn ku fadhida ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaan u hambalyeynayaa dhalinyarada ka qeyb-gashay tartanka Qur’aanka kariimka ah , intii guulay satay ee meesha nala joogta iyo inta kale ee meesha ka maqanba waan u hambalyeynayaa markale waana bogaadin ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

” Umadd walba wanaageeda iyo sharafteeda waxaa uu kujiraa sida ay diintooda u xifdiyaan una wanaajiyaan , ka xukuumad ahaana waajib baa naga saaran inaanu difaacno diinteena suuban ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharafyo iyo abaalmarin la gudoonsiiyey dhalinyaradii ka kala socday Gobolada Puntland ee ka qeyb-galay Tartanka Qur’aanka kariimka ah , gaar ahaan ku woodii kaalmaha koowaad, Labaad iyo seddexaad galay.

Ugu dambeyn gudiga Tartanka Qur’aanka kariimka ah ee Puntland ayaa Madaxweynaha gudoonsiiyey abaalmarin uu ku mutaystay kaalinta uu ka qaatay qabsoomidda barnaamij kaan iyo dhiirigelinta guddiga iyo tartamayaasha, taasoo uu madaxweynaha kaga qayb qaatay tabarucaadkii dhaqaale ee barnaamijkan lagu hirgeliyey.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online