Masjidka Imaamu Shaafic Minnesota oo deeq Raashiin ah soo gaarsiisay Qaxootiga Yemaniyiinta ah ee Qardho.[Masawiro]

July 10, 2015 - Written by Editor

thumbs_img_1183Qardho:-Jamciyada Samafalka ee Al- Ixsaan oo Masjidka Imaamu Shaafici Minisota u egmaday inay deeq Raashiinka ah oo ay iska kashadeen Jameecada Masjidka Imaamu Shaafici inay gaarsiiso Qoysaska tabaalaysan iyo qoxootiga Yamaniyiinta ee ku dhaqan magaalada Qardho ayaa deeqdii waxa ay soo gaarsiisay Qoxootiga Yamani yiinta iyo qoysaska danyarta ah.

Deeqdan oo ka timi Masjidka Imaamu Shaafici ee ku yaala dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada Minnesota ayaa lagaarsiiyay in ka badan 120 qoys .

Sh. Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur oo Wakiil ka ahaa Jamciyada Al-ixsaan oo goobtiiraashiinka lagu qaybinayay qoysaska kula hadlay ayaa sheegay in deeqdan raashiinka ah ee ka kooban Sonkor, Bur, Bariis, Saliid, Timir, iyo sharaab ay ka timi Masjid Imaamu Shaafici ee Maraykanka wuxuuna ilaah uga baryay dadkii la baxay raashiinkan oo ahaa Jameecada Masjidka Imaamu Shaafici inuu ilaah ka abaalmariyo, dhamaan qoysaskii deeqda la gaarsiiyayna ka codsaday inay u duceeyaan xili lagu jiro Maalmihii iyo habeenadii ugu fadliga badnaa ee Ramadaan.

C/qaadir Yaasiin Maxamed madaxa xarunta ay deganyihiin qaxootiga Yemaniyiinta iyo qaar ka mid
ah qoysaska deeqda la soo gaarsiiyay ayaa dhankooda ka mahadceliyay raashiinkan la soo gaarsiiyay, waxayna walaalahooda Masjid Imaamu shaafici ilaah uga baryeen inuu miisaanka aakhiro ugu daro maalkooda iyo ubadkoodana allah u barakeeyo.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online