Ra’iisal wasaaraha DFS Cumar C/rashiid oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho

July 27, 2015 - Written by Editor

CUMAR-HambalyoMuqdisho:-Ra’iisal wasaaraha DFS  Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in xukuumadiisa diyaar u tahay inay martigeliso shir caalami ah oo looga hadli doono dhameystirka hiigsiga cusub ee 2016-ka,kaasi oo 29-ka Bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha DFS  Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Al-Jazeera wuxuuna sheegay in aan loo baajin doonin hormarada iyo dib u dhiska dalka ka socda qaraxyada ay Al-Shabaab ka wadaan Muqdisho.

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa waxaa uu  sidoo kale ka hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Al-Jazeera wuxuuna yiri ” Falalka noocaan ee lala beegsanayo hotellada iyo xarumaha Ganacsiga ay yihiin kuwa lagu joojinayo horumarka dalka, waxaana Tacsi u dirayaa dhammaan dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ay argagixisada ka geysteen hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho”

Dhinaca kale Raisulwasaaraha DFS ayaa ku booteeyey in ay wax ka qaban doonaan kooxaha Al-Shabaab ee qaraxyada ka geystay magaalada Muqdisho wuxuuna ku faanay in sida Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere looga ceyrshay Al-Shabaab deegaanada kalana laga saari doono wuxuu yiri “dhawaan gacanta nabad-diidka laga saarayaa magaalooyin cusub, maadaama ay socdaan howlgallo baaxad leh, waxaana ugu dambeyntii ugu baaqayaa dhalinyarada ay nabad-diidku qaldeen in ay ka soo laaban  fikirka lagu marin-habaabiyey”.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa  marti galineysa Shir caalami ah bishan aan ku jirno 29 keeda wuxuna lagu qaban doonaa magaalada Muqdisho waxaana diirada lagu saari doonaa  Hiigsiga cusub sanadka 2016-ka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online