Ra’iisal wasaare Sharmaake oo safar ku imaanaya magaalada Garoowe

July 10, 2015 - Written by Editor

medium_eIVpQwzlGaroowe:-Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland. Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka Somalia Dr.Cumar C/rashid iyo wafdiga la socda ayaa laga sugayaa magaalada Garoowe xili xiriri u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland uu xumaaday.

Safarka Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake iyo wafdgiisa ay ku imaanayaa Garoowe ayaa ku soo beegmaya xili magaalooyina waaweyn ee Puntland ay dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo gudoomiayaha Baarlamaanka DFS.

Dhinaca kale waxa magaalada Garowe ku soo fool leh wafti uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaadan doona madaxda dowladda Puntland , Maamulka Jubaland ayaa horey xiriirka ugu jarey dowlada madaxweyne Xassan Shiikh ka dib markii Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya cod mooshin ah u qaadeen Baarlamaanka maamulka Jubaland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online