Ra’iisul wasaare Sharmaake oo booqday Qaxootiga Yemaniyiinta ah ee Qardho.[Masawiro]

July 18, 2015 - Written by Editor

IMG_2020-450x336Qardho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta booqday Xarunta Jaamacadda Bariga Africa oo si KMG ah ay u dagan yihiin Qaxootiga Yemen ee isaga soo cararay dagaallada ka soconaya dalkooda, waxana uu halkaas kula hadlay boqolaal kamid ah qaxootiga, isagoo u sheegay dowladda Soomaaliya in ay gacan siin doonto dadka reer Yemen ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay Xukuumadda Soomaaliya in magaalada Qardho ay usoo diri doonto Xubno ka socda dowladda si ay ula socdaan baahida gaarka ah ee dadka soo Barakacay si gurmad ku filan loogu fidiyo, horeyna ay gacan u siiyeen xiligii dalkooda kasoo barakeen. Wuxuna mahadcelin u jeediyey shacabka iyo Maamulka Puntland, isagoo tilmaamay in uu aad uga xun yahay dagaalada ka dhacay dalka Yemen.

“Dalalka Soomaaliya iyo Yemen waa labo dal oo walaalo ah aadna isugu dhaw dhalasho ay ka dhaxayso, sidaas darteed waxaan rabbi uga baryayaa in dabka dagaalka uu ka damiyo, waxaan dhawaan soo diri doonaa guddi ka socda Hay’adda Qaxootiga Qaranka, kuwaas oo garab siin doona dadkan dhiban, Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu baaqayaa in loo gurmado dadkan” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Magaalada Qardho waxaa ku sugan Qaxooti gaaraya 400 oo kasoo barakacay dalka Yemen, waxana dib u dajin loogu sameeyey qaybo kamid ah Puntland Soomaaliya iyo deegaano kale. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii Qaxootigaas ay u heli lahaayeen goobo ay dagaan iyo adeeg dhamaystiran.

no images were found

—–DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online