Tartan Aqooneed Xaafadaha Puntland oo lagu soo gabagabeeyey Boosaaso.[Masawiro]

July 24, 2015 - Written by Editor

IMG_3691Boosaaso:-Munaasabad lagu maamuusayay gabgabada tartan aqooneedka kediska xaafadaha Puntland kaas oo soconayay intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayna si wadajir ah u wadeen shirkadda isgaarsiinta Golis Mu’assada Minhaad & Madbacada Horyaal iyo warbaahinta SBC ayaa lagu qabtay Hotelka Jubba ee magaalada Boosaaso.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qayb galay xafladda kuwaas oo ay kamid ahaayeen gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), duqa magaalada Boosaaso Maxamed Siciid Shabeele, wasiirka xanaanada xoolaha dowladda Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed, mulkiiilaha warbaahinta SBC Siyaasi Cali Cabdi Awaare iyo Xubno ka socda Madaxda shirkadaha iyo Qeybaha maalgelinayay Kediska SBC.

Tartankan oo ay ka qayb galeen 24 xaafadood oo ka mid ah xaafadaha magaalooyinka iyo dagmooyinka Puntland ayaa waxaa wareeggii kama dambaysta iskugu soo haray xaafadaha 26ka Juun oo ku taal magaalada Boosaaso iyo xaafada 1da August oo ku taal magaalo madaxda Puntland ee Garowe kuwaas oo maanta lagu tartansiiyay goobta xafladdu ka dhacaysay.

Gunaanadkii tartanka labada xaafadood oo la waydiiyay min 5 su’aalood ayaa waxaa gudigii garsoorka tartanka ay ku dhawaaqeen natiijada ka soo baxday oo noqotay in xaafada 1da August ee magaalada Garowe ay guushu raacdo islamarkaana ay sidaasi ugu guulaysatay koobkii kediska xaafadaha Puntland sanadka 2015ka waxana koobka kaalinta labaad ku guulaysatay xaafadda 26a juun iyagoo la kala gudoonsiiyay bilado iyo abaalmarin lacageed oo ay ku mutaysteen kaalmahan dahabiga ah ay soo gaareen.

Intaas ka dib markii la guda galay khudbadaha masuuliyiinta ayaa mulkiilaha Televisionka iyo Idaacadda SBC Cali Cabdi Awaare uu u mahadceliyay cid walba oo gacan ka gaysatay qabsoomida tartankan Si Gaar ah Shirkada Golis , Mu’assada Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta iyo sidoo kale Madbacadda Horyaal kuwaas oo uu dhamaantood ku amaanay doorkooda ay barnaamijkan ka qaateen.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online