Tartankii Quraan Akhriska ee Idaacadda Al-nuur oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]

July 14, 2015 - Written by Editor

i5Muqdisho:-Waxaa maalintii shalay oo ahayd Isniin kuna aadanayd 26ka bisha Ramadaan iyo 13/ 07/ 2015 lagu qabtay xaflad balaaran masjidka Abuu hureera ee Muqdisho, xafladaa oo lagu maamuusayay Ardaydii ku guulaysatay tartan mudo usbuuc ah ka socday xarunta Idaacada Al-nuur ee Quraanka kariimka ee magaalada Muqdisho.

Ardayda ku tartamaysay oo dhamayd ilaa 89 arday oo gabdho iyo wiilal iskugu jiray ayaa waxay ka  kala socdeen dhamaan degmooyinka magaalada Muqdisho waxayna matalaayeen 40 dugsi. Tartanka oo u qaybsanaa 3 qaybood oo kala ah 30ka jus , 20ka jus iyo 10ka jus ayaa waxaa la abaal mariyay ardaydii gashay qayb walbo 3 arday ee ugu saraysa.

1. Kaalinta koowaad ee 30-juz waxaa galay Cabdisamad Xassan Cabdulle, waxaana kaalinta labaad isla 30-juz gashay Najma Sheekh Axmed.

2. Kaalinta koowaad ee 20ka jusna waxaa gashay Balqiisa Sh.axmed

3. Kaalinta koowaad ee 10ka jusna waxaa galay Maxamed Xassan Siciid

Ardayda guulaystay ayaa waxaa ay abaal marin ahaan u qaateen 9kaa arday 600 oo dollar ilaa 150 dollar. Gabagabadii xaflada oo lagu qabtay masjidka Abuu hureyra ee ku yaalo Bakaaraha ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha Idaaca Al-nuur ee qur,anka kariimka oo ahayd idaacadii tartanka soo abaabushay laguna qabtay xarunteeda oo ku taalo NO.4 muqdisho Cabdicasiis Cali Xassan oo booriyay dhamaan ardaydii tartanka ka soo qayb-gashay iyo sida wanaagsan ee ay qur,aanka allah ay ugu dadaalaayaan, waxaana uu u mahad naqay dhamaan gudigii garsoorka tartanka iyo waalidiintii iyo intii ka qayb-qaadatay hirgelinta tartaankaa oo mudo usbuuc ah idaacada si toos ah uga baxaayay maalin kaste, ugu danbaystii agaasimaha waxaa uu si gaar ah ugu mahadnaqay warshada isbuunyada ee shaakir oo ahayd warshadii hirgelsey qarashkii ku baxay tartanka.

Waxaa kale oo ka hadlay xaflada Macalim Asad Nuur c/raxmaan oo ahaa gudoomiyaha gudiga garsoorka ee tartanka oo sheegay in ardayda ay muujiyeen dadaal balaaran oo ay muuqatay in ayba adkeed in la kala saaro ardayda sida ay iskugu dhawaayeen oo ay u dadaalaayeen, waxaana uu tilmaamay in sanad kan ardayda ay kor uga soo kacday marka la eego sanadihii hore ayna muuqato in macalimiinta iyo waalidka iyo dhamaan ahlu qur,aanka ay dadaaleen.

Waxaa kale oo hadal kooban halkaa ka sheegay wakiilka warshada shaakir ee isbuunyada oo ahayd hay,adii taaba-gelisay tartankan xaga dhaqaalaha, waxaana uu u mahad-naqay dhamaan idaacada maamul iyo shaqaale iyo gudigii garsoorka sida wanaagsan ay u soo gabagabeeyeen barnaamijkan qiimaha badnaa, waxaa xusid mudan intii ay socotay xaflada abaal marinta ee masjid Abuu hureera waxaa si toos ah loogala socday Idaacada al-nuur ee qur,aanka kariimka.

no images were found

 Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online