Wafdi culimo ah oo tegay Buuhoodle iyo Nadwo diini ah oo ka bilaabatay Masjid Jaamica Buuhoodle[Masawiro]

July 19, 2015 - Written by Editor

22Buuhoodle:-Waxaa maanta gaadhay magaala madaxda gobolka cayn ee buuhodle wefdi culimo ah oo uu hogaaminayo Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ay weheliyeen Sheekh. Max’ed Sh.Aadam Weli, Sheekh. Max’ed Barre Cali iyo Sheekh.Cali Xaaji Cabdalle, wefdigan ayaa waxay kasoo kicitimeen magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, u jeedada safarka culimaduna wuxuu ahaa inay dawro iyo Nadwo diini ah ay ku qabtaan magaalada Buuhoodle, soona indha indheeyaan hawlaha dacwadeed ee ka socda buuhoodle iyo nawaaxigeeda, intii culimadu ay safarka sii ahaayeena waxay sii mareen magaalooyin dhawr ah oo ay kulamo kula qaateen ducaadii dacwada kawadday, magaalooyinkaana waxaa kamid ahaa Yeyle iyo Carr-weyn.

Waxaa markii culimadu ay soo gaadheen magaalada Buuhoodle duleedkeeda ku soo dhaweeyay culimada gobolka cayn oo iyaguna dhankooda ka qayb-qaadanaya Nadwada iyo Dawrada.

Galinkii danbe maanta oo Axad ahaydna waxaa ka furmay Masjidul Jaamica Buuhoodle xafladdii furitaanka nadawada iyo dawrada, xafladdana waxaa ka hadlay culimo, issimo iyo ganacsato, dhammaantoodna waxay dadka ku booriyeen in laga faa’iidaysto safarkaa qiimaha badan ee culimadu u wadeen dadweynaha ku dhaqan Buuhoodle.

Dhanka kale Sh C/naasir Xaaji Axmed oo ah mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya ayaa caawa Nadwadii ka bilaabatay magaalada Buuhoodle ka galay muxaadaradii ugu horaysay oo cinwaankeedu ahaa “al-jidiyah” muxaadaradan ayaa sheekhu aad ugu faah faahiyay waxyaabaha la rabo in dadaal iyo hawlkarnimo lagu qaabilo, waxyaabahaas oo ay ugu horayso ku xidhnaanshaha adoonku uu rabigii ku xidhanaando, ku dhaqanka sharcigeena suuban, barashadiisa, gudashada faafinta dacwada, iyo weliba inuu ruuxo raganimo iyo hawl karnimo ku guto arrimihiisa aduunyo ee gaarka u ah.

no images were found

Ugu danbayna wuxuu sheekhu guud ahaan ummadda soomaaliyeed aad uga wacdiyay waxyaabaha aan dantu ugu jirin sida: maqaaxiyo fadhiisiga, qabyaalada, maandoiriyaha noocyadiisa kala duwan. Muxaadarada Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ahayd mid aad u qimo badan ayaan idin soo gudbin doonaa doonaa marka ay na soo gaarto insha Allaahu.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa iyaguna dhankooda soo xaadiray xafladan soona dhaweeyay culimada iyo safarka khayrka ah ee ay u wadeen. Dawrada iyo nadwada ayaa waxay socon doonaan muddo dhan lix maalmood, waxaana ka qayb qaadan doona insha allaah culimada kala ah:-

1. Sh.C/naasir Xaaji Axmed

2. Sh.Max’ed Sh.Aadam Weli

3. Sh.Max’ed Barre Cali

4. Dr.C/shaafi Axmed Cali

5. Sh.C/llaahi C/samad

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online