Wafdi ka socda Gudiga Gurmadka qaxootiga Soomaliyeed oo ku sugan Puntland (Masawiro)

July 30, 2015 - Written by Editor

DSC03057Garoowe:-Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gudiga badbaadada qaxootiga Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxaa uu ka soo degay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug , waxaana halkaas siweyn ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah madaxda gobolka mudug, maamulka mu’asasada alminhaaj ,culimada iyo madax kale .

Ujeedka Safarka ay ku yimaadeen gudigu deegaanada Puntland ayaa waxaa uu ku saabsan yahay u kuurgalida xaalada qaxootiga Yemen ka soo qaxay ee ku sugan deegaanada Puntland.

Wafdiga ayaa markii uu Gaalkacayo lagu soo dhaweeyey waxa uu u soo gudbiyey magaala madaxda Puntland ee Garowe . Intii uu wafdigu ku sugnaa Garowe waxa uu kulamo kala duwan layeeshay ,madaxda dowlada Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dr. C/wali Cali Gaas , culimada iyo madax kale .

Wafdigan ayaa shalay gaaray degmada Qardhoee xarunta gobalka Karkaar ayaa waxay soo booqdeen  xarunta qaxootiga dadka yemeniyiinta oo ay hada ku sugan yihiin in ka badan 400 qof oo qaxooti yemenihiin ah.

Wafdiga ayaa Qardho waxaa kuu soo dhaweeyey maamulka gobolka iyo kan degmada ,gudoonka gudiga gurmadka qaxotiga yemen ee Puntland ,culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shekh C/qaadir Yaasin oo ah maamulka gacanta ku haya xaruntaas Qardho ayaa waxaa uu wafdiga warbixin ka siiyey xaalada qaxotiga yemeniyiinta ah ee Qardho ku sugan, wuxuuna uga mahad celiyey gudiga badbaadada qaxootiga booqadashan ay ugu yimaandeen wuxuuna sheegay in cabada ugu weyn ee hada haysa ay tahay deegaan la’aan iyagoo hada si ku meel gaar ah, usii degan Jaamacada bariga Africa faraceeda Qardho ayna soo dhowdahay xiligii lafurilahaa sanad dugsiyeedka cusub.

Gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga Yemen ee Puntland Sheikh Axmed Yusuf Daad ,oo isna ka hadlay madasha ayaa waxaa uu uga mahad celiyey wafdiga booqashadan ay ku yimaadeen deeganada Puntland si ay indhahooda ugu soo arkaan duruufaha qaxootiga.

no images were found

Wuxuuna tilmamay Sheikh axmed in ay iyaga iyo gudiga badbadada qaxotiga ee Muqdisho ay si dhow oo xoogan ay isula shaqeeyaan una heelanyihiin sidii wax loogu qaban lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan gudomiyaha gudiga badbaadada qaxootiga Soomaaliyeed oo ugu danbayntii ka hadlay goobta ayaa umahad celiyey dadka reer Puntland madax iyo shacaba sida aadka udiiran ay u soo dhaweeyeen.

Sidoo kale wuxuu ku amaanay dadka reer Puntland si aadka uweyn oo ay ugu gurmadeen qaxootiga kasoo qaxaya dagaalka ka socda Yemen.

Gabagabadhii ayaa wafdigu waxa uu uqaybiyey qoysaska Yemenihiinta ah ee xarunta ku sugan lacag gaaraysa $19200(sagaal iyo toban kun iyo laba boqol oo dollar) ayadoo qoys walba lasiiyey lacag dhan $200.

Booqashan wafdiga ka socda gudiga badbaadada qaxootiga Soomaaliyeed ,ay deeganada Puntland kumarayaan ayaa ah tii ugu horaysay, ee ay ku yimaadaan intii uu socday gurmadka Qaxootiga ka soo qaxay Yemen

Musasat Al-Minhaaj
Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online