Ciidanka badda ee dowladda Puntland PMF oo soo badbaadiyey shaqaalihii Markabkii ku soo caariyey degmada Eyl

August 8, 2015 - Written by Editor

medium_DWHb65lIGaroowe:-Waxaa xalay la keenay magaalada Garoowe shaqaalihii Markabkii ku soo caariyey deegaanka Daalacood oo degmada Eyl u jirta ilaa 45 KM , Markabkaan ayaa waxaa uu ka diiwaan gashan yahay dalka Yeman waxaan uu ku socday magaalada xeebta ah ee Mombaza ee dalka Kenya.

Ciidanka badda ee dowladda Puntland PMF, maamulka Gobolka Nugaal ayaa gurmad ugu tageen shalay Markabka iyagoo aqoonsaday in Markabka laga leeyahay dalka Yeman waxaan lagu magacaabaa Burun Seafood Company.

Ciidanka Badda dowladda Puntland ayaa waxaa ay soo badbaadiyeen dhamaan shaqaalihii Markabka oo gaarayey ilaa 34 shaqaale ah waxaan isla xalay la soo gaarsiiyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Markabka ayaa waxaa ku dhegan calanka Kuuriyada Waqooyi waxaan saarnaa shaqaale ka soo kala jeeda dalalka Indonesia, Kenya, Yemen iyo Vietname.

Gudoomiyaha degmadda Eyl Muuse Cismaan oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in Markabkaan uu ahaa mid sida Kaluun kana yimid dalka Yeman isagoo u scday magaalada Mombaza ka dibna ay cilad dhinac Matoorka ah ay qabsatay badduna ay ahayd mid kacsan sidaas darteedna ay Markabka u soo ka xaysay dhinaca Bariga.

Gudoomiyaha degmadda Eyl Muuse Cismaan ayaa waxaa kale ee uu sheegay in Markabkaan aysan ka muuqan in uu yahay mid si sharci dar ah uga kaluumaysanaya xeebaha Puntland ka dib markii ay eegeen aqoonsiga shaqaalaha la socday Markabka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online